|

Khilaafkii Buurta Siimoodi Oo Aan Xal Loo Helin, Masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta Oo Afka Xidhay iyo Dadkii La Xidhxidhay oo Lasii Daayey

Siimoodi:June,04,2015(SDN/QJ)-Murankii ka dhashay Buurta Macdanta laga qodayo ee Siimoodi, ayaa halkiisii taagan, waxase haatan xabsiga laga sii daayey dhammaan xubnihii arrintaas loo xidhxidhay.

simoSida uu Alla Bari Axmed Diiriye  oo kamid ahaa Dadkii xabsiga loo taxaabay oo u warramay Idaacadda VOA-da, ayaa si weyn uga Warramay Waxa keenay in muranku sii socdo, maadaama aan wali la helin xal dadka deegaanku ku qancaan.

Alla Bari waxa uu sheegay in xadhigoodu salka ku hayo kadib markii shirkadu diiday inay shaqaale ka qaadato dadka deegaankaas deggen, “wax nalagu soo xidhay garan mayno, dadka buurta siimoodi deggen baan ahayn, waxana nagalu yidhi Meesha shirkad shine ah baa la siiyeye ka kaca, shaqaalahana iyagaa wataa la yidhi,” ayuu yidhi Alla Bari.

Alla Bari oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in tirada markii hore laga soo xidhay ay afartameeyo ahayd, isagoo arrimahaas ka Hadlayana waxa uu yidhi,

“Anagu annagaa shaqaysanayna wax siimoodi joogana lama hadlayno ayaa nala yidhi, markii  dambe waanu xanaaqnay oo waxa la yidhi cagafyada joojiya, markii hore afartan ayaa la xidhay, laakiin markii dambe labaatan baa nalagu xidhay.”

Waxa uu sheegay in wali khilaafkii taagan yahay, isla-markaana dhawaan jilbaha la is dhigi doono, waxana uu yidhi,“Wax allah wax debmi ah loo nalagu haysto markii la waayey ayey dadkii gadoodeen oo odayaashii nasii daayeen, cid xidhanina ma jirto. Khilaafkii wali waa halkiisii oo ilaa berri baa la gelayaa,”

Muranka ka istaadhmay Deegaanka Siimoodi ee Gobolka Awdal, ayaa si weyn usii faafaya, waxana wasiirka Macdantu uu iska diiday inuu arrintaas wax jawaab ah ka bixiyo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed