Khilaafka Xisbiga Ucid,Ku Dhaqmid La’aanta Go’aanadii Xalka looga dhigay Muranka Xisbiga Iyo Dariiqa u Banaan Mid ka mid ah Labada Garab ee Xisbigu u kala Fadhiyo
Hargaysa 02.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Weli Baaxaadagaya Xaalada Khilaaf ee Ka Dhex Oogan Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Kadib Go’aankii Garnaqa Dacwadooda ee ay soo Saareen Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Ilaa hada Garabka Murashax Jamaal Cali Xuseen ayaa Oofiyey ku dhaqanka Qodobadii ka soo baxay Go’aankii Gudida oo Saldhigiisu ahaa in Mudo 45 Cisho Gudahood ah Xisbigu ku qabsado Shirweyne aan Caadi ahayn oo Lagu ansixiyo Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Golaha Dhexe iyadoo Xukunka Gudida Farwaaweyn ay ku Muujiyeen in Saami Is le’eg ay labada Garab ku yeelanayaan Gudiyada qaban qaabada iyo Ergada Golaha Dhexe.
Hadaba Mohamed Gacayte oo ka mid ah Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid oo Qoraal arrintan Ku Saabsan soo Gaadhsiiyey Shabakada Qurbejoog ayaa waxa uu Ku Yidhi .
Kadib Go’aankii Guddida Diiwaangalintu kasoo saartay Dacwada Xisbiga UCID ee ku taariikhaysan 21/07/2016, Waxay Goaamiyeen in Ucid yahay Xisbi ay ku midoobeen laba Garab oo ay kala hogaaminayeen Faysal Cali Waraabe iyo Garabkii Udub ee Jamal Cali Xuseen taariikhdu markay ahayd 12/07/2012.
Guddidu waxay xaqiijisay Sharcinimada Heshiiska Isbahaysiga cusub ee New-ucid kaas oo dhigaya in si isle’eg loo kala qaybsado, Golaha Dhexe, Guddida Fulinta, Ergooyinka Shirweynaha iyo Guddida Qaban qaabada shirweynaha.
Sida ku cad Goaankii guddida diiwaangalinta ee ku taariikhaysan 21/07/2016. Hadaba Anigoo tixraacaya Goaanka waxaan bulshada Somaliland u sheegayaa inuu Faysal Cali Waraabe yahay Gudoomiye Garab oo aan mateli karin Ucid ilaa inta uu qabsoomayo Shirweynaha loo mudeeyay inuu 45 cisho gudahood oo laga bilaabo maalintii goaanku soo baxay. Kaliya garabka uu hogaaminayo ayuu ka masuul yahay afkiisana ku hadli karaa.
Dhinaca kale Garabka uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamal Ali Hussein, Waxa Gudoomiye u ah Gudoomiye ku xigeenka 3aad Ali Yussuf (Cali guray), Labada Garab Waxa lagu amray inay soo magacaabaan 10 xubnood gudida qaban qaabada shirweynaha si isle’eg. Garabkaygu way magacaabeen 5 tii xubnood oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cali Guray, waxayna u gudbiyeen Guddida Diiwaangalinta.
Waa nasiib daro in Garabka Faysal tahli kari waayeen inay keenaan 5 tii xubnood ee dhiniciisa oo haduu keeni waayo ama racfaan qaadan waayo aanu uga gudbi doono talaabada xigta ee suurtagalinaysa qabsoomida shirweynaha.
Hadaba garabka faysal Waa ged lagu yaqaan inay gabi dhacleeyaan oo kolba ay meel isku qaadaan.
45 cisho oo 13 maalmood tageen baa ka hadhay is qiimayntii hogaanka Ucid si loo helo Gudoomiye buuxa oo aan garab ahayn.
Shirweynaha wuxuu noqon doonaala mid lagu ansixiyo heshiisyada labada garab wixii qabyo ka ah, kaabis iyo wax ka badal lagu sameeyo xeerka Ucid iyo Hogaan Buuxa oo Xisbiga Ucid gaadhsiin kara Guul kuna shaqeeya siyaasada Xisbiga.
Alaa Mahad Leh.
Mohamed Gacayte
Golaha Dhexe Ucid