|

“Khilaafka u dhexeeya madaxda dalku wuxuu saameyn ku yeelan karaa wixii ay dowladdu hore u qabatay” Wasiir Bayle

Dubai 30.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Md. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdi-weli Sheekh Axmed uu caqabad ku noqon karo dowladnimada iyo horumarka ay ku talaabsatay Soomaaliya.

BAYLEWasiir Bayle waxa uu sidaa ku sheegay isaga oo ku sugan dalka isu-taga imaaraadka Carabta Wareysi uu siiyay Idaacada Codka mareykanka ee VOA-da, waxaanu ku dooday khilaafka u dhaxeeya inuu dhibaato ku keeni karo horumarka dalka, waxaanu yidhi “Khilaafka u dhexeeya madaxda dalku wuxuu saameyn ku yeelan karaa wixii ay dowladdu hore u qabatay.Beesha Caalamka ayaana hadda isku dayaysa inay xal u hesho khilaafkan, waana la soo afjari doonaa,”

Bayle waxa uu welwel ka muujiyay haddii khilaaf ka dhex aloosan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdi-weli uu sii socdo inay dhici karto in laga gaadhsiin-waayo inay doorashada la qorsheeyey inay ka qabsoonto Soomaaliya 2016-ka uu dib u dhac ku yimaado.

Dubai SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed