|

Khilaafka Kulmiye Oo Dib U Curtay+ Yaa Ku Kala Tagay Khilaafka Kulmiye? Yaase Ku Midoobay? Faallo

sqHargeysa,30Oct,2015(QJ/SDN)-Heshiiskii Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye gaadhay 21-kii bishan ee ku qotomay qabanqaabinta shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa mar kale burburay, waxaana muuqata in khilaaf cakirani soo baxay.

Kadib khilaafkii  xisbiga iyo xukumadda labada garab ka dhigay intii madaxweyne Siilaanyo ku maqnaa safarkiisii Ireland ayaa 21-kii bishan waxaa xarunta dhexe ee xisbigu Hargeysa ku leeyahay lagu shaaciyay in la heshiiyay, madaxweynuhuna dhex ka noqday khilaafka, sidoo kalena la magacaabay guddida qabanqaabada oo ka kooban guddoomiye xigeenka koowaad Maxamed Kaahin, xoghayaha guud Xasan Siciid oo metelaya garabka Muuse Biixi iyo Xildhibaan Waabeeye guddoomiye xigeenka labaad iyo kuxigeenka saddexaad xildhibaan Talyanle oo metelaya garabka musharaxiinta isbahaystay.

Haseyeeshee, waxaa arrintaasi soo daba martay iscasilaadda masuuliyiin miisaan ku lahaa xukumadda oo ku dooday in madaxweynuhu raacay Muuse Biixi, balse arrinta xaaladda xisbiga sii murgisay waxay tahay markii Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Arbacadii sheegeen inaanay hawlaha qabanqaabada shirka golaha dhexe la wadi karayn Maxamed Kaahin iyo Xoghaye Xasan Siciid, iyagoo ku dooday in xubnaha Muuse Biixi metelayaa afduubayaan qabanqaabada diideena in si hufan wax la isula eego.

Saddexda Musharax ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe ayaa iyaguna Khamiistii weedho adag u adeegsaday qorshaha garabka Muuse ku maroorsanayaan awoodda qabanqaabada shirka. Waxay ku doodeen jidka garabka Muuse Xisbiga ku wadaa yahay kii xisbigu ku burburi lahaa, amma ay iyagu kaga tagi lahaayeen ba.

Haddaba arrinta xusidda mudan ee u muuqata inaan xisbiga Kulmiye xal dambe ka soo muuqan waxay tahay markii madaxweynaha oo xisbiga mus dambeedka la isula noqdo ahaa dhinaca saaray Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu si aan danayn lahayn ula hadlay wasiirada isku casilay khilaafka Kulmiye darteed , isagoo hadaladiisa ay ka mid ahaayeen “kuwa naga tagay Ilaahay meel Khayr leh ha mariyo,” hadalkaas oo uu ka yidhi xarunta Kulmiye iyo kii uu hore uga yidhi BBC-da ee ahaa in cidii dawladdiisa la socon kari waydaa iskaga tago, iyadoo loo macnaysan karo hadalkan in cidii xisbiga kulmiye siduu la jecel yahay ula jaanqaadi waydaana iska tagto, taasina ay noqonayso in saddexda Musharax iyo taageerayaashoodu meesha ka bixi doonaan, hogaankana sidaasi loogu barrixi doono Muuse Biixi, si aan la tartan lahayn.

Yaa ku kala tagay Khilaafka Kulmiye:

Arrimaha xusidda mudan ee dad badan ka dagi waayay waxaa ka mid ah in markii u horaysay ay hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo ka soo horjeestaan xubno ay aad iskugu wacnaayeen, oo madaxweynaha difaaci jiray sidoo kalena, saaxiib dhaw la ahaa.

Xubnahaas waxaa laga xusi karaa Xildhibaan Axmed Maxamed  Diiriye(Nacnac), oo hore u sheegay in wakhtigii halganka uu Carabaha dhaqaalaha uga ururin jiray SNM, ilaa wakhtigaas iyo ilaa haddana ay madaxweynaha saaxiib ahaayeen, marna aanay eray xun is odhan, laakiin, hadda wuxuu la safan yahay garabka madaxweynaha ka horjeeda, isagoo la socda Xildhibaan Kijaandhe.

Sidoo kale Xirsi Cali Xaaji Xasan oo gacanta midig ee madaxweynaha ahaan jiray ayaa dadka ka degi waayay inuu ka soo horjeesto madaxweynaha walibana iscasilay. Wuxuu ahaa dadka madaxweynuhu sida xooggan u aaminsanaa muddada dheer, kalsoonida madaxweynahana ku kasbada awoodda badan.

Sidoo kale xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo difaaca madaxweynaha iyo xukumadda caan ku ahaa ayaa haatan hormuud ka ahaa garabka ka soo horjeeda hogaaminta madaxweynaha, waxaana ka mid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo maanta yidhi “Madaxweyne in miyirkaagu dhan yahay iyo in kale garan mayno oo maalin ba waxbaad ku hadlaysaa…” hadalkaasi oo muujinaya sida look ala fogaaday durba.

Yaa isku raacay Khilaafka Kulmiye:

Ugu horrayn waxaa la xusi karaa in madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi isku raaceen. Waxaa hore u soo dhexmaray loolankii adkaa ee aakhirkii Muuse lagaga adkaaday, laguna qanciyay inuu ka hadho madaxweynaha oo xilligaasi musharaxnimo iclaamiyay, wakhtigaasi waxaa dhacay Shaani Hargeysa lagu qarxin jiray oo xukumaddu ku eedeysay Muuse Biixi, inkasta  oo eedahaasi iska diiday.

Waxa kale oo la xusi karaa madaxweyne xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi inay hadda midaysan yihiin. Loolanka iyo khilaafka labadan masuul ka dhexeeyay wuxuu si cad u shaac baxay shirweynihii Kulmiye ee u dambeeyay, markii Madaxweyne xigeenku cadho u diiday inuu soo galo furitaanka shirka balse madaxweynaha iyo wasiiro damceen in loo yeedho, waxaana arrintaas diiday Muuse Biixi, iyadoo maalintii labaad ee shirka Muuse Biixi si cad oo la wada arkayo u diiday inuu madaxweyne xigeenka garab fadhiisto, maadaama labadooda si maamuus ah la isku barbar fadhiisinayay, waxaana maalintaasi dhashay muran shirka oo dhan laga wada arkayay oo u dhexeeyay labada masuul ee haaatan dantu midaysay.

Gabo-gabadii

Xisbiga Kulmiye iyo xukumaddiisu waxay u muuqdaan kuwo mucaaradad adagi ka dhex dilaacday, una baahan odayayn iyo tanaasul badan oo dhinaca madaxweynaha iyo guddoomiyaha Kulmiye ka yimaada, maadaama garabka Musharaxiinta isbahaystay cabashadoodu kali tahay in shirka si hufan loo qabanqaabiyo loona tartamo si xor ah oo la wada arkayo.

Xubno badan oo hadda ka mid ah garabka Musharaxiinta isbahaystay ayaan jeclayn hogaanka Kulmiye uu ku soo baxo Muuse Biixi, maxaa yeelay? Waxay godob kaga galeen Muuse loolankii Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse oo ay si adag madaxweynaha u taageereen, halka kuwo kale laga yaabo inaanay ku faraxsanayn ama ka ordayaan Awoodda Maxamuud Xaashi Cabdi hadda laga bilaabo ku yeelanayo wasaaradda Madaxtooyada ee loo magacaabay.

Tartan lagu wada qanco oo ka dhaca shirka Kulmiye ee loo qoondeeyay 10-ka November waxay keeni doontaa in inta laga guulaystay xisbiga ka sii mid ahaato, una guntato sidii ay u dhisi lahayd musharaxa soo baxa oo tartan la gali doona musharaxiinta kale, balse haddii shirkaasi qodax qaato, lana tix galin waayo cabashada jirto oo la isku joojin maayo lagu galo, waxaa suuro gal ah in dad badan oo Kulmiye tacab badan u soo galay xisbiga ka dareeraan, taasina xisbiga u nuglayso guul darro uu ku wajaho doorashada madaxtinimada iyo wakiillada ee sanadka 2017-ka uu la gali doono musharaxiinta xisbiyada Ucid iyo Waddani oo aad indhaha ugu haya maxsuulka Kulmiye.

Mawliid Cali-dhure

Suxufi Degan Hargeysa

Comments are closed