|

Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee Turkiga Iyo Holland Oo Isku Badelay Dagaal Inernet-ka Ah Gaar Ahaana Twitter-ka !

Ankara 17. March 2017 (SDN/QJ):- Khilaafka Diblomaasiyadeed ee ka dhex Alloosmay labada Dal ee Turkiga iyo Holland ayaa isku badelay dagaal dhinaca Tiknoolajiyada ah gaar ahaana baraha Bulshada ee ay ka mid tahay Twitter-ka, waxaana weerar aad u ballaadhan oo dhinaca Internet-ka ah lagu soo qaaday Dad madaxa oo aan ku lug lahayn Khilaafkaasi Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labadan Dal.

Weeraradan ayaa lagu beegsaday baro gaar ah oo Dad caan ahi ay ku leeyihiin Twitter-ka iyada oo loo adeegsaday farriimo ka soo hor jeeda Naasiyiinta oo ku qoran Af Turki, waxaana ka mid ahaa Dadka la jabsaday baraha u gaarka ah ee ay ku leeyihiin Twitter-ka shaqaale ka tirsan xukuumada Dalkaasi Holland iyo madax kale ka hawl gasha Dalkaasi.

Haddaba, waxa arrin aad u layaab badan noqotay in la jabsaday barta uu Baarlmaanka Yurub ku leeyahay Twitter-ka iyo barta uu leeyahay siyaasiga caanka ah ee ka soo jeeda Dalkaasi France ee la yidhaa Alian Juppe.

Sidoo kalena waxa la jabsaday Baraha u gaarka ah Wakaalada Wararka ee Reuters laanteeda ay ku leedahay Dalka Japan iyo waliba Hay’adda Xuquuqda Aadamaha iyo  UNICEF xarunteeda ay ku leedahay Dalka Maraykanka.

Comments are closed