|

Khilaaf kulul oo ka dhashay Goob ay Cali Xoor-xoor iyo Badhasaabka Saaxil Lacag ugu qaybinayeen Odayaal loo Igmaday inay Dhaleeceeyaan Golaha Wadatashiga

saaxilHargeysa :27-july-2013 (SD)Waxaa shalay hotel xamdi ee magaalada hargeysa ka dhacay kulan aan noociisa oo kale hore loo arag ka dib markii dad waji ku macaash ah oo la doonayey inay canbaareeyaan golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka la iskugu keenay huteelkaasi.

dadkaasi oo loo sheegay in loo qaybinayo lacago ayaa khilaaf ka dhashay ka hor intii aysan soo gaadhin maareeyaha dekeda berbera Eng:Cali Xoor Xoor iyo badhasaabka gobolka saaxil, ayay dadkii goobta la iskugu keenay oo u badnaa odayaal iyo sadex Cuqaal oo loo sheegay inay meesha lacago u doontaan ayaa isku qabsaday aynu sii hadalno intaan cali xoor xoor inoo iman iyo maya ee marka uu yimaaddo ee uu lacagta qaybiyo ayaynu hadleynaa .

waxoogaa buuqa ka dib waxay isku raaceen in marka uu lacagta qaybiyo ka dib uun la hadlo sidii ayay noqotay oo markii cali xoor xoor yimid ayay codsadeen in lacagta loo qaybinyo kadibna saxaafadii ayaa dibada loo soo saaray waxana loo qaybiyay lacagtii uu cali xoor xoor siday lacagtaasi oo ninkiiba la siiyay $700. oo doolar.

 

Intaa ka dib  cali xoor xoor iyo badhasaabka ayaa huteelka soo galay  iyagoo odayaasha ku leh  si aad ah u canbaareeya golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka balse isla waqtigiiba meesha way ka  baxeen cali xoor xoor iyo badhsaabkii  dibada ayay u baxeen waxana dhacday inay dadkii qaarkii isla waqtigii la hadlayay iska baxeen iyagoo ku dhawaaqayay “lacagta uunbaanu soo doonanay ee golaha wada tashiga iyo toosinta ayaanu taageersanahay oo lacagtani oo tii dekeda ee aanu xaqa u lahayn” ayay dadkaasi ku dhawaaqayeen.

xukuumada siilaanyo ayaa ilaa intii lagu dhawaaqay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa waxay abaabulaysay dad waji ku macaash ah oo lacago loo qaybinayay iyadoo habeen kasta laga dheehdo odayaal iyo dad kale oo waji ku macaash ah oo halkaasi ka caayaya golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ,inkasta oo ay hore xukuumadii hore ku caan ahayd hanaanka waji ku macaashka ah ,ayaa hadana waxaa la ogaaday sababihii xukuumadaasi ku weyday shacabiyadii inay ka qayb ahayd hanaankii waji ku macaashka ahaa ee ay isku raali gelin jirtay ,taasi oo noqotay hal bacaad lagu lisay markii la iskugu yimid tartankii doorashooyinka xisbiyadu ku tartamayeen doorashadii madaxtooyada, iyadoo dad badani sadaalinayaa inay tii oo kale soo muuqato oo xisbiga KULMIYE lumiyey taageeradii uu shacabka ka haystay.

tan iyo markii lagu dhawaaqay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa waxay shacabku muujiyeen taageerada balaadhan ee ay u hayaan golahan iyadoo xitaa jaaliyadaha dibadu iskood isku xil qaamay oo ay qaadhaan u soo ururinayaa golahan wada tashiga iyo toosinta qaranka ,waxana Golahani ku jiraa mujaahidiintii ugu magaca iyo taariikhda dheereyd somaliland iyo rag kale oo miisaan culus ku dhex leh bulshada somaliland.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa Somaliland.

Mawliidguure@yahoo.com

 

Comments are closed