Khiddad Cajiib Ah Oo Soomaalida Kenya Ay Kaga Furteen Al-Shabaab Masiixiyiin U Gacan Galay
Nairobi,23Dec,2015(QJ/SDN)-Dalka Kenya ayaa si weyn looga hadal hayaa weerarkii dorraad Kooxo loo malaynayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ku qaadeen gaadhi bas ahaa oo marayay Duleedka Magaaladaasi, waxaana weerarkaasi lagu dilay laba qof halka afar qof oo kalena lagu dhaawacay.
Kooxo hubaysan oo la sheegay in Al-Shabaab katirsanaayeen ayaa rasaas ku furay gaadhiga baska ah, waxa ayna kooxdaasi joojiyeen gaadhiga iyagoona dhamaan dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa baskaasi dhulka usoo dajiyay.
Dadka baska saarnaa ayaa la weediinayay waxa ay yihiin Muslim iyo gaal, waxaana inta badan dadka baskaasi saarnaa ay u badnaayeen dad Soomaali ah, waxaana sidoo kale ku dhax jiray dad kale oon muslim aheyn.
Soomaalidii baska wax ka saarnaa ayaa durba diiday in dadka loo kala sooco muslim iyo gaal lana dilo dadka aan Muslimka aheyn, waxa ay sidoo kale si farsamaysan dhar u siiyeen Gabdho aan Muslim aheyn oo baska wax ka saarnaa halka raga Kenyanka qaarkood iyana koofiyado loo galiyay si aan loo fahmin.
kooxdii Weerarka geysatay ayaa dilay labo qof oo midkood isku dayay in uu baxsado halka kan kalana uu ahaa askari katirsanaa ciidamada Taraafikada Kenya, waxaa sidoo kale rasaastii baska lagu furay ku dhaawacmay saddex qof.
Guddoomiyaha Magaalada Mandhera Ali Roba oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen muslimiinta baska saarnaa ay badbaadisay in badan oo kamid ah rakaabkii baskaasi saarnaa oon Muslim aheyn.
Dhacdadan oo si weyn loogu qoray Warbaahinta dalka Kenya ayaa laga hadal hayaa dalkaasi, waxaana weeraro hore uga dhacay gudaha Kenya ay ka dambeeyeen Al-Shabaab dadka loo kala soocay Muslimiinta ah iyo Kirishtaan iyadoona la dilayay dadka aan muslimka aheyn.