Khatartii Ugu Ba’nayd oo Soo Wajahday Raga Bidaarta Leh ee Ku Nool Dalka Mozambique oo La Sheegay in Madaxooda Dahab Ku Jiro DAAWO
Mozambique 09. June 2017 (SDN/QJ):- Dalka Mozambique ee ku yaalla koonfur bari Afrika booliska ayaa digniin u diray dadka Bidaarta leh kadib markii dhawr qof oo bidaar leh la dilay. Dadka bartilmaameedsanaya Bidaarleyaasha ayaa ku doodaya in dadka bidaarta leh qani yihiin, islamarkaana madaxooda dahab ku jiro.
Boolisku Waxaa ay sheegeen sedex nin oo bidaar leh in lagu dilay dhawaan degmada dhexe ee Milange .Mid ka mid aha ayaa lagala baxay xubnaha jirkiisa.