|

Khasaarihii Dagaalkii Buuralayda Galgala Ku Dhex maray Ciidamada Punt land iyo Kooxda Alshabaab {DHAGAYSO}

Galgala 24.Jan 2014 (SDN)- Ciidanka ammaanka dowladda Puntland oo saakadii hore howlgal dagaal ka fuliyay buuraha Galgala ayaa la sheegayaa inay saddex Shabab ka tirsan ku dilleen todobo kalena ay ku dhaawacmeen sida uu saxaafada goor dhawayd u sheegay wasiirka Amniga.

GO1Ku simaha wasiirka Amniga Dowladda Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inay ka war helleen kooxda Shabab inay is arursi ka bilaabeen ay sababtay inay dagaal ku qaadaan gacantana ay kaga dhigeen deegaanadii ay horay u joogeen,wuxuna sheegay ciidanku inay hadda wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sidii gacanta loogu dhigi lahaa haraadigooda oo xaafadaha Galgala ku dhuumaalaysanaya.

Hal askari ayuu sheegay inuu dagaalkaasi kaga dhintay balse ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo lagu sifaynayo kooxda Al-shabab, wuxuna hadalkiisa ku daray shacabka la’aantood inaan la shaqayn karin.

Khaliif Ciise ayaa la waydiiyay xiliga ay howlgalkan soo afjarayaan wuxuna sheegay inay wadi doonaan inta laga baabi’inayo kooxda Shabab oo mudo ka badan 3-sano ka dagaalamaysay buurahaasi.

Dowaladii Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa kooxda Al-Shaaab kula dagaalantey buuraleyda Golis taas oo sababtey in Puntland yeelato ciidamo la isku haleyn karo.

Warar Garowe Online heleyso ayaa sheegaya dhinaca kale in dagaalkaas dhinaa ciidamada Puntland uu kaga dhintey hal askari.

Dagaalkan ay ciidanka ku qaadeen Al-Shabab Galgala ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Puntland ka socoto xafladii caleema saarka taas oo wufuud badan kasoo qayb gashey.

Guji Halkan Si Aad Mobilkaaga uga Dhagaysato Hadalka Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GalGala25.mp3″]
Gal Gala SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed