|

Khasaare Qaraxyo Sababay Dhimasho Masuuliyiin Soomaali ah iyo Dhaawac Tiro badan oo Muqdisho ka dhacay iyo Wararkii u Dambeeyey DAAWO

Muqdisho 28. October 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan Toban Ruux ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, 17 Qof oo kalena way ku dhaawacmeen Qaraxyo ismiidaamin ahaa oo gelinkii dambe Sabtidii Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya iyo weliba Kooxo Hubaysan oo garab-socday Qaraxyada.

Qaraxa hore ayaa loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaasoo ku qarxay afaaka hore ee Hudheelka NAASA HABLOOD 2 oo ku yaal inta u dhaxaysa Ex-Baarlamaan iyo Tiyaatarka Qaranka.

Kooxo hubeysan ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday hotel Naasa-hablood Laba oo ku yaalla degmada Xamarweyne, gelinkii dambe ee Sabtidii shalay. Warar soo baxaya ayaa sheegay in Rag hubeysani ay gudaha u galeen Xarunta Huteelkaas, ka dib markii uu dhacay weerarka ismiidaaminta ah.

Ugu yaraan 10 Ruux ayay wararka hour-dhaca ah ee Caawa laga helay Muqdisho sheegayaan inay ku dhinteen weerarkaas iyo qarax kale oo ka dhacay Meel u dhow xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka dhintay waxa ku jira Col. Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) oo ahaa Taliyihii Ciidammada Booliska degmada Dayniile iyo Cabdinasir Gaarane, oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida ay Caawa baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Comments are closed