Khasaare Hantiyeed oo Ka dhashay Dab Culus oo Qabsaday Kaalin Shiidaal oo Muqdisho ah
Muqdisho 14.Aug.2013 (SDN) Khasaare Maaliyadeed oo illaa hadda aan la cayimin ayaa ka dhashay dab xoogan oo saaka qabsaday dhismayaal shidaalka lagu iibiyo oo ku yaalla isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.
Dabkan oo aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay ayaa dad goob joogayaal ah waxay sheegeen inuu bilowday markii qof maskaxda looga jiro uu dab qabadsiiyay fuusto uu shidaal ku jiray, taasoo keenay inuu halkaas ku faafo.
Ganacsatadii shidaalka lahayd ayaa waxay sheegeen in dhaqaale badan uu ugu jiray halkaas kaasoo ay sheegeen in tirakoobkiisa aysan dusha ka heynin.
Wasiirka kheyraadka dalka ee xukuumada Somalia ayaa shalay ka digay khatar ka imaan karta fuustooyinka shidaalka ah ee lagu iibinayo hareeraha waddooyinka iyo bakhaarada magaalada Muqdisho.
“Laba dhisme oo uu shidaal ku jiray iyo goob farmashiye ayuu dabkaas cagta mariyey mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay illaa hadda,” ayuu yiri goob jooge saxaafada la hadlay.
Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa goobtaas gaaray, iyagoo xiray goobtaas, kana celinayey dadweynaha ku dhowaanaya si aysan waxyeelo uga soo gaarin dabkaas oo markii dambe demintiisa ay ka qeyb qaadatay booyad ay leedahay shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo gurmad ahaan halkaas loo geeyey.
Muqdisho SDN.
contact@somalidiasporanews.com