Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Ka Dhashay Dagaal Laba Beelood Ku Dhex Maray Gobolka Sool
Laascaanood 11. April 2017 (SDN/QJ):- Dagaal u dhexeeya laba Beelood oo Walaalo ah, ayaa ka soo cusboonaaday Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland.
Dagaalkan oo la sheegay inuu ka qarxay deegaan u dhexeeya Tuulooyinka Dharkeyn-geeye iyo Daba-taag Shalay subax isla-markaana u dhexeeya laba beelood oo dhowr jeer oo hore halkaasi ku dagaalamay, ayaan illaa hadda la garanayn waxa uu ka dhashay Dagaalkan cusub, maaddaama oo bilihii u dambeeyay la wadau waan-waan xal loogu raadinayo Colaadda labada beelood.
Warbaahinta Internet-ka laga Akhristo ee Gobolka Sool, ayaa sheegay in Dagaalkan oo u dhexeeya labada beelood Baharar-same iyo Qayaad (Dhulbahante) uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jirta.
Warka ay baahiyeen Warbaahinta Internet-ka ee Gobolka Sool wuxuu intaa ku darayaa in Dagaalka labada Beelood ay ku dhinteen Dad gaadhaya 5 Ruux, dhaawacuna intaa ka badan yahay.
Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in Dagaalkii Subaxnimadii hore ee Shalay bilaabmay markii uu is-taagay, ay haddana labada kooxood isku soo rogaal celiyeen Duhurnimadii Shalay, taasi oo lagu macneeyay inay tahay ta Khasaaraha sii badisay.
Waxa adag in War faahfaahsan laga helo Dagaalkan labada Beelood u dhexeeya, mana jiraan Cid Dawladda dhexe ee Somaliland ka mid ah ama Maamulka Gobolka Sool ah oo ka hadashay.