|

Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Loo Geystay Dad Ku Hawllanaa Arrimaha Sawir-gacmeedka Dalka Denmark

Copenhagen:Feb,15,2015(SDN/QJ)-Shir lagaga hadlayey Farshaxanka iyo Xorriyatul-qawlka oo lagu qabtay Magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark, ayaa rasaas lagu furay, waxana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.

kharoDadka ka qayb-qaadanayey kulanka waxaa ka mid ahaa kartooniiste la yidhaahdo Lars Vilks oo u dhashey dalka Sweden, ninkan ayaa muddooyinkii danbe la ilaalinaayey kadib markii uu sawiro kartoon ah ku aflagaadeeyey nebi Muxamed (nnkh), warbaahinta Denmark ayaa sheegeysa in Lars Vilks aanu ku dhaawacmin xabadaha lagu ridey goobtii uu ku sugnaa, waxaana la qiyaasayaa rasaasta dhacdey in ay ku dhaweyd 40 xabbadood.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmey weerarkan, waxaana wararku sheegayaan in ay ahaayeen Boolis, waxaana ku dhintey hal qof oo rayid ah oo kamid ahaa dadkii ka qaybqaadanayey shirka la weeraray, sidaas waxa xqiijiyey Booliska dalka Denmark.

Waxaa shirka ku sugnaa safiirka dalka Faransiiska u fadhiya Denmark François Zimeray iyo madaxda hay’adaha amaanka ee dalka Denmark, amaanka goobta ayaana ahayd mid aad loo adkeeyey. Safiirka Faransiiska François Zimeray ayaa Twitterkiisa ku qorey in uu nool yahay gurigana ku dhex jiro.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed