Khasaare baaxad leh oo ka dhashay dagaalkii Jabhada FRUD iyo ciidamada dawlada Jabuuti
Tadjura Aug 13,2014(SDN/QJ)-Dagaal dhawaan aaga magaalada Tadjura ku dhexmaray ciidamada dawlada Jabuuti ayaa waxa uu sababay khasaare aan weli la shaacin baaxadiisa.
Wararka aanuse ka heleyno degaanadii colaadu saameysay ayaa sheegaya in dagaalku sababy dhimasho iyo dhaawac gaaray labada dhan.
Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada Jabuuti ay dagaalka uga dhaawacmeen ilaa 19 askari oo haatan yaala cisbitaalka ciidamada Jabuuti.
Halka ay dagaalyahanada Jabhada qowmiyada canfarta Jabuuti ay dagaalkii ay dhawaanta ku qaadeen ciidamada Jabuuti ee fariisimahoodu yihiin magaalada Tudjura ay kaga dhinteen ilaa afar askari.
Dawlada Jabuuti iyo Jebhada FRUD ayaan ilaa iyo intii dagaaladu dhaceen aan wax war ah oo ku saabsan dagaalka soo saarin.
Wararkii uGu danbeeyayna waxa ay sheegayaan in Jabhada Frud iyo ciidamada dawlada Jabuuti ay haatan isku hor fadhiyaan duleedka magaalada Tadjura.
SDN/QJ-Tadjura