|

Khasaaraha Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Magaalada Baledweyn

Baledweyne 25.October 2016 (SDN/QJ):-Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

qarax-beledweyneWariye Aadan Qeys oo jooga  magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo laga maqlayay  xaafadaha magaalada.

Saldhiga ciidamada Jabuuti ay  ku yaala xaafada Howl-wadaag ayaa laga maqlayaa rasaas ay ridayeen ciidamada Jabuuti,  taasi oo  baqdin kale ku abuurtay shacabka magaalada.

Waxaa la sheegayaa in saddex Askari kaga dhinteen ciidanka Jabuuti, saddex kale oo shacab ahna ay ku nafwaayeen qaraxaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in burbur xoogan ay soo gaadheen dhamaan dhismayaashii ku yaalay agagaarka saldhiga ciidamada Jabuuti ee qaraxa lala eegtay.

Ciidamada Jabuuti ayaa joojiyay dhaqdhaqaaqii magaalada Beledweyne waxaana adag in dadka ay isaga kala gudbaan xaafadaha ku yaala goobta qaraxa uu ka dhacay.

Magaalada Baladweyn waxaa joogsaday Guud ahaa noocyadii kala duwanaa ee Ganacsiga waxaana dadka cabsi wayn ka qabaan in qaraxyo noocan oo kale ah soo noqnoqdaan.

Kooxda Alshabaab oo masuuliyada Qaraxaasi sheegatay waxaa baraheeda bulshada ku faafisay inay 17 askari ka dileen ciidamada dalka Jabuuti

Comments are closed