Khasaaraha ka dhashay duqeymo ka dhacay Jubbada hoose oo sii kordhaya
Hosingoow Dec 21,2011(qurbejoog.com)- Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay diyaarado dagaal oo aan la aqoon halka laga leeyahay oo shalay duqeeyay deegaan ka mid ah gobolka Jubbada hoose.
Inta la’ogyahay 13-ruux ayaa ku geeriyootay 38-kalana way ku dhawacmeen kadib markii diyaarado dagaal oo shalay galinkii dambe duqeeyay deegaan duleedka ka ah Magaalada Dhooblay ee gobolka Jubbada hoose oo lagu magacaabo Hosingow oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah, iyadoo la sheegay in dadkaasi qaarkood ay u geeriyoodeen dhiig bax maadaama halkaasi uu ku oolin Isbitaal.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay duqeyntaasi oo loola cararay Isbitaal ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolada Jubbada hoose ayaa iminka laga deerinayaa xaaladoodu Caafimaad sida Website-ka Somalidiasporanews.com ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaaladaasi.
Dadka deegaanka ayaa iyana ku waramaya in diyaaradaha shalay ay dhowr gantaallo ay la dhaceen meelo aan ku sugneyn Al Shabaab, waxaana ay intaasi ku dareen inay ka cabsi qabaan diyaarado mar kale halkaasi duqeeya, iyagoo qaarkood sheegay inay ka barakacayaan halkaasi oo ay abaarayaan meelaha ay gacanta ku hayso dowladda KMG Soomaaliya si aysan waxyeelo ugu soo gaarin diyaaradaha duqeeya goobaha ay Maamulaan AL Shabaab.
Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Abuukar Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in diyaaradahaasi laga lahaa Kenya islamarkaana ay duqeeyeen goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah, wuxuuna carabka ku dhuftay in marna aysan ka hakan doonin dagaalada ay kula jiraan Kenya oo uu sheegay inay kusoo duushay dalka.
Kenya ayaa la xusuustaa in duqeymo badan oo ay ka fulisay Jubbooyinka ay ku geeriyoodeen dad rayid ah, waxaana arintaani si aad ah u cambaareeyay qeybaha kala duwan ee bulshada oo sheegay in wax laga naxo ay tahay in diyaaradaha Kenya ay gantaalo la dhacaan goob ay u badan yihiin dad rayid ah.
Qurbejoog-Muqdisho