|

Khasaaraha ka dhashay Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay dalka Iiraan

Tehran 11, August 2012 (SDN/FoxNews)- Ugu yaraan 180 qof ayaa ku dhintay, 1,350 kalena way ku dhaawacmeen Dhul-qariir aad u xooggan oo ku dhuftay dhinaca Waqooyi-Galbeed ee dalka Iiraan.

Siday sheegeen wararkii u dambeeyay ee shilkaas, waxa sii kordhaya khasaaraha Dhul-gariirkaas oo Sabida maanta dhacay, kaasoo asiibay ugu yaraan lix xaafadood oo ka tirsan magaalada Varzaqan.

Masuuliyiinta dawladda Iiraan waxay dadweynaha uu Dhul-gariirku deegaamadooda saameeyay ka codsadeen inay guryaha dibaddooda ku sugnaadaan caawa oo dhan, sida laga soo xigtay wakaalada wararka Iiraan ee Fars.

Waxa la sheegay in cabirka Dhul-gariirkaasi uu ahaa 6.4 Magnitude, iyadoo dhimashada uu sababayna kordhayso, siday warbaahinta gudaha dalkaasi ku waramayso.

Dhul-gariirku waxa uu dhimashada ka sokow, sababay amakaag dadweynaha qaarkood asiibay, iyadoo uu dhulka dhigay guryo badan oo deegaankaas ah.

Qurbejoog.com, Tehraan

Comments are closed