Khasaaraha ka dhashay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Somaaliland iyo Malleeshiyaad Puntland ah oo Jid gooyo u galay
Laascaanood,8Aug,2015(QJ/SDN)-Iska-horimaad khasaare ka dhashay ayaa duleedka magaalada Hadaaftimo ee gobolka Badhan ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyaad ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland.
Iska-horimaadkan oo dhacay shalay gelinkii dambe, ayaa WaxaKa dhashay kaddib markii Malleeshiyaad ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland Jid-gooyo u galeen Ciidamo ka tirsan Qaranka oo ku sii jeeday Degmada Laasqoray ee gobolka Badhan, kuwaas oo tabobar ku soo dhammaystay Dugsiga Ciidanka Qaranka ee BIXIN oo ku yaala meel 25KM ah u jirta degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag. Ciidamada tabobarka dhammaystay ayaa ah malleeshiyo-beeleedyo dhawaan lagu Qarameeyey Ciidanka Qaranka, kuwaas oo ka hawl-galaya degmada Laasqoray.
Dagaalka dhexmarya Malleeshiyaadka Maamul-goboleedka Puntland iyo Ciidanka Qaranka oo muddo saacado ah socday, ayaa sababtay khasaare labadaaa dhinacba soo gaadhay, balse ma jiro warar madax-annaan oo xaqiijinaya baaxadda khasaare ee kala gaadhay, waxaanu dagaalku sii xoogaystay markii ay ku baxeen Ciidamo ka tirsan Saldhigga Saddexaad ee Ciidanka Qaranka oo ka hawl-gala degmada Badhan, kuwaas oo markii ay ka war-heleen gaadhay goobta dagaalku ku dhexmaray Ciidanka iyo Malleeshiyaadka Puntland.
Si aanu u xaqiijinno xaqiiqada warkan, waxa Wargeyska Himilo u suurto-gashay inaanu khadka telefonka ku helno Taliyaha Ciidanka Qaranka ee gobolka Badhan Dhamme Yaasiin Cismaan Faarax (Guray) oo sharraxaad ka bixiyey hawl-gal Ciidamadiisu ku badhi-taageereen Ciidanka Qaranka ee Jid-gooyada loo galay.
“Meel u dhow magaalada Hadaaftimo ayaa iska horimaad yari ka dhacay maanta, iska-horimaadku wuxuu dhexmarya malleeshiyaad Puntland ka tirsan oo dhexda u galay ciidamo tabobar ku soo dhammaystay dugsiga Bixin oo ku socday deegaamadoodii oo xaggaa iyo Laasqoray ah, dabadeena ciidan kale oo Qaranka ah oo gobolka Badhan ku sugan baa warku soo gaadhay, ciidankiibaa ku baxay c baa ku baxay, ciidankiina markii uu meesha ka gaadhay, nimankii way baxsadeen,” Sidaas ayuu yidhi taliye Yaasiin Cismaan Faarax.
Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Ciidankii aan watay markay meeshii yimaaddeen, waxay nimankii arkeen laba ciidan oo hareeraha kaga jira, dabadeedna waxay is-yidhaadheen waataa laydin qab-qabtay, markii waxoogaa lays-tuur-tuurayna nimankii waxay u baxsadeen xagga Punland, markaa waanu ku guulaysannay.”
Taliyaha oo aanu weydiinnay haddii uu jiro khasaare ka dhashay Iska-horimaadka dhexmaray Malleeshiyaadka Puntland iyo Ciidamada Qaranka, waxa uu ku jawaabay, “Khasaare badani ka ma jiro,Finiin yar-yar oo soo gaadhay mooyaane, laakiin wax dhaawac la sheegi karo waxa jira Hal Askari. Qolada kale waxba kama sheegi karo, markii ay carareen wax meyd ah oo ay ka tageenna maanaan arag,” ayuu yidhi Dhamme Yaasiin.
Mar la weydiiyey inay malleeshiyaadka Puntland ka hawl-gali jireen gudaha gobolka Badhan, waxa uu sheegay inay deegaankaas soo gaadheen habeen hore, kana yimaaddeen dhinaca magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, iyagoo soo maray Jidka Laamiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, “Xalay (Habeen hore), ayay ka soo dageen Laamiga, meelo dhexe ayay galeen, markaa waxay ka war-hayeen askartaa meesha soo maraysa ee Laasqoray ku socota, kuwaasay doonayeen inay dhexda u galaan,” ayuu yidhi Taliyuhu.
Taliyaha Ciidanka Qaranka ee gobolka Badhan oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Malleeshiyadkii Puntland waxay u carareen xagga Puntland, annaguna magaalada Badhan ayaanu joognaa, Ciidankii kalena way nala joogaan, maalinta Berrina (maanta) waxay tagi doonaan Laasqoray, halkaasay ka hawl-galayaan.”
Gobolka Badhan waxa si wada-jir ah uga hawl-gala Ciidamada Qaranka Somaliland iyo malleeshiyaad deegaanka u dhashay oo garab-saar la leh maamul-goboleedka Puntland, balse inta badan wax dagaallo ahi kama dhacaan deegaankaas, marka la barbardhigo deegaannada kale ee gobollada Sool.