Khasaaraha Diyaarad Sidey Rakaab Ciyaartoy ah oo ku Burburtay Buuraleyda Colombia
Medellin 29. November 2016 (SDN/QJ):- Diyaarad siday in Ka Badan 80 Qof oo Rakaab ah ay ku jiraan ciyaartoyda Koox kubada cagta ah oo ka dhisan dalka Barazil ayaa ku dhacday duleedka magaalada Medellin ee kutaala waqooyiga dalka Colombia.
Waxaa socda gurmad deg deg ah iyo baadi goob loogu jiro sidii loo heli lahaa dadkii saarnaa diyaaradan oo kusoo dhacday dhul buuraley ah, waxaana diyaaradan la sheegay in ay kasoo duushay dalka Barazil.
Diyaarada dhacday waxaa saarnaa rakaab dhan 81-qof oo isugu jira 72 rakaab ah iyo 7 kamid ahaa shaqaalaha Diyaarada, rakaabka diyaarada saarnaa waxaa ku jiray koox kubada cagta ciyaarta oo lagu magacaabo Chapecoense FC oo ka aas aasan dalka Brazil.
Kooxdan ka socoay dalka Brazil ee saarnaa diyaarada shilka gashay ayaa la qorsheenayay in beri la ciyaaraan Kooxda lagu magacaabo Atletico Nacional oo ka dhisan magaalada Medellin ee dalka Colombia.
Kooxaha gurmadka ayaa lasoo sheegayaa in ay heleen 3-qof inkasta oo Markii danbe Mid ka mid ahi uu u Geeriyooday dhaawaca shilkan ka soo gaadhay, waxaana jira gurmadyo kale oo lagu baadi goobayo in la helo dad kale oo ka bad baaday shilkaasi, waxaana gurmadka la sameenayo caqabad ku ah sidii loo gaadhi lahaa halka ay diyaaradu ku dhacday oo ah dhul buuraley ah.
Wali lama shaacin Khasaaraha rasiga ah ee ka dhashay shilkan diyaaradeed iyo waliba waxa dhaliyay ,Maamulka Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Medellin oo ah halka diyaaradu ku sii jeeday ayaa sheegay inay Ku Hawlan yihiin Sidii Baadhsi rasmi ah loogu samayn lahaa Sababta diyaaradani u Burburtay.
Madaxweynaha Dalka Brazil ayaa Ku Baaqay Sadex Cisho oo Baroordiiq ah.