|

Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee ka dhashay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho DAAWO

Muqdisho 05. April 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku dhintay inta la ogyahay, 8 kalena way ku dhaawacmeen, Qarax Gaadhi loo adeegsaday oo Arbacadii Maanta ka dhacay Banaanka hore ee Makhaayad Qaxwaha iyo Bunka laga cabbo oo ku taalla ka soo horjeedka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, halka Qaraxu uu ka dhacay, waxay 100 mitir u jirtaa Xaruunta Wasaaradda Amniga gudaha. Waxa uu Qaraxaasi sababay dhimashada Shan Qof inta la sheegay, siddeed kalena way ku dhaawacmeen.

Wariye Madax-bannaan, ayaa Hiiraan Online u sheegay, in uu arkay illaa Shan Qof oo dhintay oo Meydkoodu dhulka yaallo. Sidoo kale, Sarkaal Ciidammadda Amniga Soomaaliya ka tirsan, ayaa sheegay in Qaraxu uu ruxay Xaafadaha ku teedsan Wasaaradaha iyo Xaruumo Ganacsi, halkaas oo ay gaadheen Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee Ambalaasyada oo Meydadka iyo Dhaawacyada u qaaday Cusbitaalka Madiina.

Ma jirto Cid sheegatay masuuliyadda Qaraxa, balse weerarrada sidan oo kale ah waxay caado u tahay oo sameeya Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dawladda iyo Dadka Soomaaliya.

Comments are closed