Kharashka Burcad badeeda oo sanadkii hore Gaadhay 7 billion
Colorado Feb 10,2012(qurbejoog.com)-Burcad badeeda Soomaalida ayaa shirkadaha maraakiibtoodu isaga gooshto badaha geeska africa waxa ay sanadkii hore kharashaadkooda ku biiriyeen ilaa 7 billion oo dollar,sidaana waxa daabacday ha’ad Mareykan ah oo dusha kala socota dhaqdhaqaaqyada Burcada Soomaalida.
Ha’yadan oo la yidhaahdo One Earth Future Foundation ayaa sheegtay in sanadii ina dhaaftay ay ilaa $2.7 billion dollar shirkadaha ganacsigu ku kharashgareeyeen shidaalka dheeriga ah ee ku baxa in maraakiibtu kordhiso xawliga ay ku socdaan si markaa aaney Burcadu fursad ugu helin in ay dusha uga baxaan.
Sidoo kale shirkadaha leh marakiibta ganacsi ayaa sanadkii hore ciidamada ilaalada ah ee ay hawlgeliyeen waxa ay ku kacday $1.16 billion dollar.
Halka ay hawgalada ciidamada ka hawlgala baddaha Soomaalida ay dawladuhu ku bixiyeen $1.27 sanadkii hore.
Lacagaha madaxfurashada ah ee ay burcad badeeda Soomaalidu ka qaado maraakiibta u gacan gasha ayaa sidoo kale kor u kacay 25% sanadii 2011kii.
Ugu yaraan 20% ka mid ah ganacsiga caalamka ayaa isaga goosha gacanka cadmeed si ay uga guddbaan suez Canal ka dibna ay halkaa uga dhacaan badda cas ka dibna badda Mediterraneanka.
Qurbejoog-Colorado
contact@somalidiasporanews.com