|

Khaladaadka Ay Galaan Waalidiinta Is-fura Ama Kala Taga Iyo Raadaynta Ubadka

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Sida aynu wada ognahay furriinka Lamaanaha is-qabay waxa ka dhasha dhibaatooyin aad u fara badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwa dhaqaale iyo kuwa nafsad ahaaneed ba .

Waxaa jira sababo dhawr ah oo fududayn  kara furriinka, balse ugu dambayn ayay natiijadu noqotaa xanuun tiro badan iyo dhibaato soo waajaha lamaanaha kala tagay .

Furriinku waxa uu aad u dhib badan yahay marka labada lamaane ee kala tagaa ay ubad wadagaan.

Carruurtu waxay daawanaysaa ama se arakaysaa  waalidkoodii oo doonaya inay is furaan ama kala tagaan. Waxaa Carruurta saamayn xun u gaysta dagaalka iyo buuqa joogtada ah ee waalidka, kaasoo nafsad ahaan u asiiba, waxay arrintani ilmaha ka dhigtaa kuwo dhinaca xun wax ka eega.

Sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in waalidku ay arrintaas ka fikiraan oo ay hubiyaan in ubadka  hortooda aanay iskula hadlin iskuna hor qabqabsan .

Haddaba waxa muhiim ah inaynu ogaano natiijooyinka xun ee ka dhalan kara qaladaadka ay galaan waalidka ama lamaanaha is fura :

  1. Waydiinta ilmaha waalidka uu la noolaanayo

 

Waydiinta ilmaha waalidka uu la noolaanayo ayaa ah doorasho aad u adag, waxayna ilmaha ku abuurta  murugo, uurkutaalo iyo  inuu ilmaha laftiisu dareemo inuu danbiile yahay, maaddaama oo uu kala doortay  labadiisa waalid mid ahaan  .

  1. In ilmaha laga dhigto farriin sidayaal:- Waalidka kala taga ayaa farriin sidayaal ka dhigta carruurta sababtoo ah waxay iska ilaaliyaan ama ka dheeraadaan  inay wada hadlaan, markaasay hadalladii ay rabeen ilmaha u dhiibaan kadib ay ku yidhaahdaan ”Aabahaa/Hooyadaa warkaan u soo sheeg” Waa qaladka ugu weyn ee waalidku ay sameeyaan, arrintan ayaa ilmaha dareensiisa inay kaalin weyn ku leeyihiin furriinka, waxayna isku arkayaan dambiilayaal.
  2. Dareen yasmo:- Ilmuhu runtii aad ayuu u neceb yahay kala tagga iyo furriinka waalidkiisa waayo waxay cabsi ka qabaan in waalidkood uu yaso ama inkiri doono mustaqbalka iyada oo run ahaantii marar fara badan aynu aragnay arrimaha noocaas ah .
  3. Ku nafisidda carruurta hortooda ah:- Waalidiinta qaar ayaa si ay u kas badaan qalbiyada carruurtooda waxay ku nafisaan oo ay ku hadlaan carruurta hortooda, iyagoo muujinaya in qalad laga galay si ay u soo jiitaan carruurta, balse waxa aanay  ogayn in carruurtu ay waa hore ka qalbi jabeen furriinka waalidkooda, arrintani soo jiidashada ah waxay sii liciifisaa maskaxda iyo jidhka carruurta labadaba.
  4. Ka qarinta furriinka:- Waalidiinta  qaarkood ayaa ka qariya furiinka iyo kala taga ilmaha sababta ay doonaanba ha u sameeyaane, arrintani waxa uu ilmuhu isku arkayaa  ajnabi isla markaana waxa uu isku arkayaa in aanu ka tirsanayn qoyska  .

Dhamaan arrimaha aan soo sheegnay ayaa waxa ay yihiin qaladaadka ay galaan waalidiinta is fura , waxaana had iyo jeer habboon inaan ubadka la kala foogaysan laguna abuurin cuqdad si aanay saamayn ugu yeelan nooloshooda danbe ku dagdagista furniinku waa dhibaata ay haboon tahay in laga hor tago laguna dedaali sidii looga fogaan lahaa , waa shayga  kaliya ee xalaasha ah ee ilaahay ugu necebyahay in addoomihiisu ay sameeyaan.

Comments are closed