Khabiir Caalami Ah Oo Xisbiga WADDANI Ka Tababaray Ololaha Doorashada Somaliland Iyo Rajada Uu Ka Muujiyey Xisbiga DAAWO
Hargaysa 07. April 2017 (SDN/QJ):- Mr. Peter Mac Manu oo ah khabiir aad ugu xeel dheer dhinaca siyaasadda iyo ololaha ba isla mar ahaantaana hore u soo noqday guddoomiyaha xisbiga New Patriotic party ee dalka Ghana sida oo kale na la taliye u soo noqday xisbiga ku guuleystay doorashada dalka Neyjeeriya ee uu hoggaamiyo Mahammadu Buhaari, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanaa kulankan ay wada qaateen xisbiga WADDANI isaga oo xusay in mudadii ay kulankaas soo wadeen ay barteen qaababka ugu fudud ee xisbiga WADDANI uu ugu guuleysan karo doorashada Madaxtooyada Somaliland.