Khaatumo oo weerartay Buqdharkeyn
Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Buqdharkayn ee u dhexeeyey ciidamada Somaliland iyo ciidamada Khaatumo ee SSC uu bilaabmay ka dib markii maleeshiyada SSC Khaatumo ay damceen xoolo.
“Maleeshiyaad hubaysan oo taabacsan kooxda la baxday Khaatumo ayaa weerar ku qaaday dad shacab ah oo xoolahooda daaqayay deegaanka Buqdharkayn, iyagoo ujeedkoodu ahaa inay dhacaan xoolahooda,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Somaliland ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay si adag isaga difaaceen wax ay ku tilmaameen weerar arxan darro ah oo ay soo qaadeen kooxo hubeysan, isla markaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay ciidamada SSC Khaatumo inay khatar ku yihiin amniga gobolka.
“Iyadoo ay nasiib darro tahay in Firdhiye [Hogaamiyaha SSC-Khaatumo] uu bisha barakeysan ee Ramadaan uu dano siyaasadeed ku doonayo inuu dhiig u daadiyo oo uu colaad ka dhex abuuro beelaha walaalaha ah, haddana Somaliland waxay ku taagan tahay nabad ku wada-noolaanshaha deegaanka,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha gudaha.
Dhinaca kale, Maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay soo abaabuleen weerarka lagu soo qaaday goobahooda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee SSC Khaatumo. SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku tilmaantay koox gooni u goosad ah oo khatar ku ah xasiloonida gobolka.
Deegaanka Buqdharkayn oo ay hore ugu dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahayd mid degan. Dagaalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xukuumadda Somaliland ay waddo qorshayaal ay ku doonayso inay ku midayso malleeshiyo beeleedyo, sida SSB iyo G36, si ay u noqdaan kuwo nabad-gelyo oo rasmi ah.