|

Khaatumo oo u hanjabtay Somaliland

Laascaanood November 27, 2024(QJ) SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay inay dad rayid ah ku waxyeeloobeen magaalada Ceerigaabo, ka dib markii la maqlay rasaas culus abaaro 12:00 PM ee maanta.

War ka soo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay si bareer ah dhibaato ugu geysteen qeybo ka mid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada, waxayna ka digeen in SSC Khaatumo ay qaado tallaabo ay Somaliland ka shallaayi doonto.

Marka laga soo tago warka ka soo baxay SSC Khaatumo ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhacdadan ka dhacday magaalada. Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in magaalada uu dagaal ku dhex maray ciidamada maamulka Somaliland iyo kooxo hubeysan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Leave a Reply