Khaatumo oo diyaar u ah wadahadal ay la gasho Somaliland
Laascaanood (QJ) – Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacay shir ay isugu yimaadeen madaxda SSC Khaatumo iyo wafti ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo sheegay inay ku hawlan yihiin sidii xal loogu heli lahaa colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Weftigan oo ka kooban odayaal iyo madax-dhaqameed, ayaa xusay inay Hargeysa tageen, isla markaana madaxda Somaliland diyaar u yihiin nabad.
“Waxaan nahay wafdi nabadeed. Hargeysa ayaanu ka nimid, waxaanan idiin soo gudbinaynaa farriin ah inay nabadda diyaar u yihiin. Waxa kale oo aad noo sheegteen in aad nabad diyaar u tihiin.” Ayuu yidhi Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool.
Garaad Kulmiye waxa uu intaa ku daray in xogtii ay Laascaanood isugu yimaaddeen ay dib ugu soo celin doonaan Hargeysa, kadibna ay u diyaar garoobi doonaan wada xaajoodyo farsamo. Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay si madax-banaan uga fiirsan doonaan waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan.
Madaxda SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin nabad iyo wada hadal balse waxay ku nuuxnuuxsadeen inay yihiin maamul ka madax banaan Soomaaliya.
Ka dib colaado daba dheeraaday oo u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo, ayaa Madaxweynaha cusub ee Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, wuxuu muujiyay rabitaankiisa ah in wada hadal lagu dhameeyo xiisadaha taagan.
Somaliland ayaa aaminsan in gobolada SSC ay ka tirsan yihiin dhulkeeda, halka SSC Khaatumo ay isku aragto maamul ka tirsan Soomaaliya, kaasoo ah xudunta khilaafka labada dhinac.