Khaatumo Maxay Ka Yidhaahdeen Wadahadalka Madaxweynaha Somaliland Iyo Hoggaamiyahooda Ku Dhex-maray Addis Ababa? DHAGAYSO
Hargaysa 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Maamulka Khaatumo, ayaa ka hadlay wadahadal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo, isla markaana ay iskula go’aansadeen in wadahadalladoodu si rasmi ah u bilaabmaan 17-ka bishan aynu ku jirno, kana furmo Addis Ababa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gelinkii dambe ee Khamiistii isaga iyo Weftigiisu ku soo laabteen dalka, ayaa sidoo kale, Saxaafadda u sheegay intii ay Addis Ababa ku sugnaayeen inay kulan la yeesheen Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, isla markaana isku afgarteen in 17-ka bishan 11-aad 2016-ka wadahadalkooda koowaad ka bilaabmo isla Addis Ababa.
Maxamuud Shabbac oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA u warramay, ayaa ugu horreyn la weydiiyey ujeeddada Safarka ay Itoobiya ku joogaan, waxaanu ku jawaabay; “Waxaannu nahay Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Khaatumo oo ay ku jiraan Wasiirro aan ka mid ahay oo Wasiirro iyo La-taliyeyaal-ba leh, Maanta (shalay) ayaa maalintii saddexaad noo ah, Marti-qaad dawladda Federaalka ah ee Itoobiya noo fidisay, iyadoo aannu ka wadahadlaynay arrimo, hadday xagga nabadgelyo tahay iyo hadday wax kale tahay-ba ah.”
“Waxay hore u go’aansadeen Maamulka Khaatumo iyo Somaliland inay wada furaan wadahadal ay kaga wadahadlaan dhibaatooyinka iyo arrimaha murugsan ee u dhexeeyey, maaddaama oo ay yihiin dad wax badani u dhexeeyo oo hawlo badan oo siyaasadeed iyo kala duwanaanshe jiraan. Waxaanay labada Hoggaamiye (Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay go’aansadeen inay ka wadahadlaan xal nabadeed iyo dhinac walba inuu noqdo waddanka hirgelinayaa dalkan Itoobiya oo lagu qabto magaalo-madaxdiisa Addis Ababa, wadahadalka u horreeyaana uu dhici doono oo loo asteeyey haddii Illaahay raalli ka noqdo bishan aynu ku jirno 17-keeda.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud-Shabbac.
Shabbac oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa dib u dhigay Shir hore loo muddeeyey 25-kii October 2016 in lagu qabto Burco iyo waxa Addis Ababa loogu soo raray wakhtigan, waxa uu yidhi; “Waa dhab Madaxweynaha Somaliland isagoo Socdaal ku maraya Sool inuu sheegay in 25-ka Aktoobbar la qabanayo Shir. Laakiin, Shir ay ka mid ahayd Khaatumo ama ay ka qayb-qaadanaysay ama ay Ajandihiisa iyo arrimihiisa ka wadahadleen Somaliland muu ahayn. Muu ahayn Shir aannu ku ballansanayn Khaatumo iyo Somaliland oo hadda inta la joojiyey loo beddelay Addis Ababa, ee annaga wadahadalkayagan ayaa isugu kaaya horreeya.”
“Waannu kulannay Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo iyo annaga oo uu Madaxweynuhu (Cali Khaliif) na hoggaaminayo, waa dad muddo kala maqnaa dhib iyo dhibaato taagnayd oo waad iska garanaysaa. Laakiin, Kulankaasi wuxuu ku dhacay weji wanaagsan, ay labada dhinacba aad u soo dhaweeyeen in kulankaas iyo in wadahadalkaasi u bilaabmo oo la isku salaamay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Ismaaciil Shabbac oo ka mid ah Wasiirrada Maamulka Khaatumo ee goob-joogga ka haa wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ee Addis Ababa.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool qaar ka tirsan oo Somalinews TV Cod-baahiyaha la dhex-maray, waxna ka weydiiyey aragtidooda la xidhiidha wadahadallada Khaatumo iyo Somaliland siday u arkaan, ayaa intooda badani waxay muujiyeen inay soo dhawaynayaan wadahadalladaas, isla markaana u arkaan guul iyo kuwo midho-dhal laga gaadhi karo, laguna soo afjari doono colaadda iyo khilaafka jira, halka ay xubno koobani muujiyeen inaanay Khaatumo ka jawaabi karin baahida dadka deegaanku qabaan ee ay yihiin Siyaasiyiin danohooda gaarka ah ka door-bidaya danta guud, balse badi dadka su’aashaa la weydiiyey waxay muujiyeen soo dhawayn iyo rejo fiican.