Kenya:Wariye Caan ah Oo Waraysi Uu Qaadday Dartii Garbo-duub Lagu Horgeeyey Maxkamad
Nairobi:May,21,2015(SDN/QJ)-Md Jeff Koinange oo ah Saxafi Waddanka Kenya, caan ka ah, ayaa si khasab ah maxkamad lagu soo hortaagay, kadib markii uu waraystay nin dalkaas caan ka ah.
Wariyahan, ayaa hore waaran maxkamadda ka yimi loogu keenay, balse dheg jalaq uma uu siinin, waxana taasi keentay in isagoo garbo duuban maxkamadda la horkeeno haatan, si kiiskan loo haysto wax looga weydiiyo.
Wariyahan ayaa wajahaya hadda dacwad ay u heystaan rag ganacsato ah taas oo ah in ay qoonsadeen barnaamij ka baxa Telefishina KTN oo uu daadihiyo Jeff, Barnaamijkaa waxaa lagu wareystaa dadka Taajiriinta iyo ganacsatada Kenyaanka ah.
Waxaa loo soo jeediyey gal dacweed ah in lagu heysto nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Mr Gachok oo uu ku marti qaaday 1-dii Apriil sanadkan barnaamijkiisa ee lagu wareyso dadka caanka ah.
Ninkan barnaamijka lagu marti qaaday ee uu Jeff wareysay ayaa gaf iyo been abuur ah ka sameeyay shirkado ganacsi oo waaweyn kuwaas oo ay kala leeyihiin labada ganacsato ee Kenyaanka ah Jmi wanjigi iyo Sani Mbui waxaana la sheegay in khasaare laxaad leh been abuurkaasi shirdaha ku keenay, taas oo keentay in wariyaha la dacweeyo.
Dhageysiga dacwada oo dhowr cisho ka hor bilaabatay ayaa waxaa lagu siidaayay wariye Jeff, lacag damiin ah oo gaadhaysa 100,000 shilinka dalka Kenya.
Waxaa sii socon doonta dacwadan waxaana laga cabsi qabaa caddeymaha muuqaalo la hayo oo ka baxay Telefishinka in xukun uu ku dhici karo Wariye Jeff.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com