Kenya:Arday Laba Sano Oo Xadhig ah Ku Mutaystay Aflegaaddo Uu U Geystay Madaxweynaha Dalkaasi
Nairobi:Jan,03,215(SDN/QJ)-Dalka Kenya, ayaa waxa maxkamad ku taalla ay xukun kasoo saartay Arday Dhallinyaro ah oo lagu eedeeyey inuu aflegaadeeyey Madaxweynaha Dalkaasi Uhuru Kenyata.
Ardaygan oo dhigta jaamacad ku taalla Dalka Kenya oo magaciisa lagu sheegay Alan Wadi Okengo ayey booliska soo xidheen kaddib dabagal badan oo lagu samaynayey muddo dheer.
Wadi okengo ayaa bartiisa Facebook iyo Twitterka waxaa uu soo dhigi jiray qormooyin ka dhan ah madaxweynaha dalka Kenya isagoo maqaalo aflagaado la odhan karo ku qori jiay baraha balshadda.
Isaga aanay la socon wax garyaqaan ah oo u dooda ayaa maxkamada la soo taagay waxnaa joogay maxkamada garyaqaan ka socday dhanka dowlada kaa oo meesha akhriyay dacwada lagu haysto ninka dhallinyarada ah.
Sidoo kale eedeysanaha ayaa qirtay dacwada lagu soo oogay isagoo waliba ku dhiiraday in uu sameeyay falkaasi.
Kaddib dhageysi dheer oo ay xeer ilaaliyaasha iyo qaadiga maxkamada sameyeen waxaa lagu xukumay Okengo xabsi xadhig ah mudo dhan laba sano oo aan la iibsan karin.
Sidoo kale dabayaaqadii sanadii tagtay ayaa sidan oo kale waxaa isna nin dhallin yara ah maxkamad lasoo istaajiyaya isagoo loo heysto dambi ah in 32 fariin qoraaleed oo aflagaada ah uu telefoonka uga diray madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Wiliam Ruto, hase ahaatee edeysanaha ayaa maxkamada horteeda ka sheegay in aanu geysan falkaa kaddibna loo diray xabsi inta la so baadhayo fariimaha la hayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com