|

”Kenya Waa In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdaa Dalka Soomaaliya” Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho,15Nov,2015(QJ/SDN)-Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa markii labaad ka dooday darbiga ay xukuumadda Kenya doonayso inay ka dhisto soohdinta ay la leedahay Somalia, waxaana kulankii baarlamaanka ee shalay laga akhriyay Qaraar la xidhiidha arrintan oo ay soo diyaariyeen Guddiyada arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Somalia, iyadoo xukuumadda Kenya loogu baaqay in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Qaraarka ay guddiyadan soo diyaariyeen ayaa waxaa Qodobbadii ka mid ahaa; in Kenya ay joojiso darbiga ay ka dhisayso xuduuda ay Soomaaliya la leedahay, inay Kenya ka fogaato burburinta xuduudihii ay dhex-dhigeen gumeystayaasha labada waddan, in Kenya ay kala baxdo ciidamadeeda Somalia iyo qodobbo kale.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan xubnaha sare ee guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaalka Somalia ayaa Warbixinta ay soo diyaariyeen ka hor-akhriyay xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

Guddiyadu Wuxuu Qaraarkooda kusoo jeedinayaa Arrimo ay ka mid yihiin:

1. Inay xukuumadda Kenya si deg-deg ah oo rasmi ah u joojiso dhismaha darbiga ay xadka ka dhisayso.

2. Inay dowladda Kenya ka fogaato tir-tirisda iyo baabi’inta calaamadihii ay dhex-dhigeen gumeystayaashu labada waddan.

3. In dowladda Kenya ay ilaaliso xiriirka Walaalnimo, Darisnimo iyo Saaxiibtinimo ee ku saleysan iskaashiga labada dal.

4. In la baahijo dhibaatooyin ama xasarad ka abuurmi kara sii wadiddaa dhismaha darbiga sharci-darrada.

5. Si loo dhiso jawi ku dhisan kalsooni iyo is-aaminaad ay dowladda Kenya muddo kooban ciidammadeeda ugala baxdo Soomaaliya.

Sidoo kale, xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in dhanka kale dowladda Somalia looga baahan yahay inay weydiisato Beesha Calaamka, sida; Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo IGAD sidii ay gacan buuxda uga geysan lahayd bixitaanka ciidamada Kenya iyo xoogaggii kaalintooda buuxin lahaa.

Xildhibaanka ayaa xusay in qaraarkoodu uu ka dalbanayo Beesha Calaamka inay gacan ka geysato meel-marinta qaraarka baarlamaanka Soomaaliyeed kasoo baxay iyo in hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo maamul-goboleedyada ay ku dhaqmaan, ilaaliyaanna dastuurka iyo xeerarka dalka ee la xiriira; dhul, bad iyo hawo. In la magacaabo guddi isku dhaf ah oo ka kooban xukuumadda, baarlamaanka, garsoorka iyo wixii la hal-maala, si loo xaqiijiyo fulinta iyo weliba ku dhaqanka qaraarka baarlamaanka Somalia.

Intaas, kaddib xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa soo jeediyay in Qaraarka ay soo diyaariyeen labada guddi loo bedelo mid sharci ah, iyadoo la gudo-galay in xildhibaannada baarlamaanku ay u codeeyaan Qaraarkaan si sharci looga dhigi lahaa. Waxaana Qaraarkaan ogolaaday 160 xildhibaan, iyadoo ay laba xildhibaanna diideen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulankii maanta ee baarlamaanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo yiri. “Natiijadu codeyntu waxay noqotay… 160-xildhibaan oo ogolaatay in Qaraarkaan loo bedelo sharci, waxaa diidday laba xildhibaan, wax ka aamusayna ma jiraan.”

Dhanka kale, Prof. Jawaari ayaa faray guddiyadii soo diyaariyay Qaraarkaan ee arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha inay 48-saacadood gudahood sharcigaan kusoo sameeyaan ayna baarlamaanka horkeenaan maalinta Isniinta ah ee nagu soo foolka leh.

QJ/SDN: Hargeysa

 

Comments are closed