|

Kenya Oo Weerarro Diyaaradaheedu Ka Fuliyey Goobo Ku Yaalla Gobolka Gedo Ku Tilmaamtay Aargoosi

Gedo:April,07,2015(SDN/QJ)-Dawladda Waddanka Kenya, ayaa Ka Haadashay Weerarro diyaradaheedu ka fuliyeeen Goobo ku yaalla Gudaha Gobolka Gedo ee Somalia, waxana ay tilmaamtay in weerarkaasi ahaa mid aargoosi ahaa.

ishoAfhayeen Militeriga Kenya u hadlay, ayaa sheegay in tallaabada diyaaraduhu ku duqeeyey xarumahaasi ay jiraan, isla-markaana u jeeddadoodu ahayd inay ka aargoostaan dhibkii shabaabku ka geysteen Jaamacadda Garisa.

Colonel David Obonyo, ayaa wuxuu sheegay in Laba Duqeyn ay Diyaaradaha Kenya ka geesteen Deegaanada Godon-Dhawe & Ismaaciil oo ku yaalla Meel u dhaw Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, gaar ahaan Gobolka Gedo.

Afhayeenka ayaa wuxuu intaasi ku daray inay Weerarada oo kala dhacay Shalay Gelinkii danbe ee shalay ay ugu aargudayeen Weerarkii Al shabaab ee Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 150 Ruux oo Arday u badan.

Warara Madaxbanaan ee warbaahintu helayso ayaa sheegaya in Duqeymaha ay geysteen Ciidanka Kenya ay ku dhinteen Xoolo badan, kadib markii Dhowr Gantaal ay ku dhifteen Dhul Baadiye ah oo Xoolo ay daaqayeen.

Ciidanka Kenya ayaa waxay ka fuliyaan Gudaha Soomaaliya Weeraro aan loo meel dayin oo ka dhan ah Shacabka & Duunyada aan waxba galabsan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed