|

Kenya Oo War Farxad leh Kasoo Saartay Xawaaladaha soomaalidu Ku Leedahay Dalkeeda

Nairobi:Feb,23,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa war kasoo saartay Xawaaladaha soomaalidu ku leedahay Gudaha Dalkeeda, waxana ay sheegtay inaanay dhibaato ku qabin.

sideerWar qoraal ah oo ay soo saartay Wasiirka arrimaha dibada Kenya Aamina Maxamed ayaa, ayaa lagu sheegay inaanay jirin wax dhib ah oo dalkaas ay ku hayaan Xawaaladaha soomaalidu, waxana ay taasi meesha ka saartay warwar ay qabeen Dadka soomaalida ahi.

Mrs Amina Waxa ay sheegtay in ay ogtahay in kumanaan qoys oo qaxooti ku ah Kenya ay noloshooda ku tiirsantahay lacago looga soo diro dalalka dibada sida Yurub iyo Maraykanka.

Waxa ay hadlaysay kadib markii bangiyo Maraykanka ay xidheen akoono ay lahaayeen xawaaladaha Soomaalida tuhun la xidhiidha in lacagahaasi ay gaadhaan Alshabaab.

Aamina ayaa ballan qaaday in Kenya aanay marnaba joojin doonin xawaaladaha Soomaalida, iyada oo meesha ka saartay cabsidii hore looga qabay arrintaas.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed