Kenya oo soo bandhigtay qorshe cusub oo ay xadkeeda Soomaaliya ku ilaalineyso
Nairobi Nov 21,2013(SDN)-Xoghayaha wasiirka Arrimaha Guddaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dawlada Kenya ay aad uga walaacsan tahay xadka dheer ee ay la wadaagto Soomaaliya ayna la timi hab cusub oo ay xadkaasi ku ilaalineyso.
“Xadka aan Soomalaiya la leenahay waxaa naga heysta walaac amaan,goobaha laga soo gudbana waa ay tiro badan yihiin”ayuu yiri Xoghayuhu.
Xoghayaha Wasaarada arrimaha Guddaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa soo bandhigay qorshe ugub ku ah ilaalinta xadaha qaarada Africa.
“Waxaanu ku hawlanahay sidii aanu camerado ugu xiri laheyn xadka yaga Soomaaliya iyo magaalooyinka si aanu ula socono isu socodka”ayuu yiri xoghayuhu.
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in cameradahani ay hoos u dhigi doonaan weerarada ay kooxaha xagjiriinta ahi ay dalkaas ka geystaan.
Dawlada Kenya ayaa dedaaladeeda amaan suguda kordhisay ka dib weerarkii Westgate MallĀ oo ay ku geeriyoodeen 67 ruux ka dib.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com