Kenya oo shuruud Adag Ku Xidhay Wareejinta Dekedda Kismayo
Kismayo: 7-AUG-2013 (SDN) Dowlada Kenya, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay wareejiso ilaalinta Magaalada Dekedda muhiimka leh ee Kismaayo,iyadoo ka digtay in nidaam darrada Kismaayo ay sababi karto in Alshabaab ay ku dhiiradaan weerarka Kismaayo.
“Dowlada Kenya waxay diyaar u taay inay iska dhiibto labada dekedood, laakiin waxaa waajib ah inaan ku wareejino qof, kaasi oo soo maraa waddada wadahadalka,Haddii kale, haddii aan hadda ka baxno waxaa kusoo laabanaya kuwii hore”sidaasi ayuu yidhi Karanja Kibicho oo ah xog-heynta maamulka wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Kenya.
Dowlada Kenya, ayaa sheegtay inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya, sida masuulkan u hadlay uu sheegay.
La taliyaha wasaarada Arrimaha dibada Kenya Zaddock Madiri Syong’oh, ayaa Dhankiisa sheegay in ciidamada Kenya haddii ay ka baxaan Magaalada Kismaayo ay keenayso in sida ugu dhaqsiyaha badan Alshabaab ay ku galaan magaalada Kismaayo, sida uu sheegay.
Ciidamada Kenya, ayaa qeyb ka ah ciidamdaa AMISOM waxaana ay Alshabaab ka sareen magaalada Kismaayo bishii September ee lasoo dhaafay.
Warkan ka soo yeedhay Xukuumadda Kenya, ayaa waxa uu caqabad ku noqon doonaa isku soo dhawaanshihii waayadanba laga dhex waday labada Dawladood ee Somaaliya iyo Kenya, waxana hadalkani uu boog cusub ku yahay khilaafkii labada dawladood ka dhexeeyey.
Xidhiidhka ka dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay waxii kadambeeyay markii Kenya lagu eedeeyay inay taageerayso maamulka Axmed Madoobe.
Somalidiasporanews.com