|

Kenya oo sheegtay in hadii Ciidamada AMISOM la geeyo Jubbooyinka ay ka bixi doonto Somaliya

Nairobi  Dec 04,2011(qurbejoog.com) Dowladda Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in haddii goobaha ay kala wareegeen Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka ay yimaadaan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay dib ugu  laaban doonaan dalkooda. 

Wasiirka Difaaca ee dowladda Kenya Yuusuf Haji oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka haddii ka socda AMISOM la geeyo halkaasi. 

Wasiirka ayaa tilmaamay in kaliya Kenya ay ilaalinayso ammaanka dalkeeda oo uu sheegay in marar badan ay falal liddi ku amniga ka gaysteen Kooxda Al Shabaab, wuxuuna carabka ku dhufay in hadii Ciidamadaasi la geeyo goobaha ay ku sugan yihiin Milatariga Kenya ay kaalin wayn ka qaadan karaan soo celinta nabadda sida uu hadalka u dihgay. 

U jeedka Ciidamada Kenya ee gudaha usoo galay Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sheegay Wasiirka Difaaca ee dowladda Kenya inay tahay xaqiijinta ammaanka iyo gacan siinta dowladda KMG Soomaaliya si loogu guulaysto kooxo uu ku sheegay inay yihiin nabad diid oo uu ula jeeday Ururka Al Shabaab. 

Kenya ayaa Ciidamo farbaadan wax ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka oo ay marar badan ka sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen Madaxdoodu inay liddi ku yihiin ammaanka gobolka.

 

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed