|

Kenya oo sheegtay in culees ay ku hayaan Qaxootiga Somalida ah

Nairobi Dec 02 ,2011(qurbejoog.com)-  Dowladda Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday inay culees wayn ay ku hayso Qaxootiga sii kordhaya ee gaaraya Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku jiraan Qaxooti farabadan.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda amniga gudaha ee dalka Keny Fransi Kimemiya ayaa waxaa uu sheegay in qaxootigaasi oo sii bataa ay qatar wayn ku noqon karto ammaanka dalka Kenya, wuxuuna  codsaday in loo baahanyahay in arrimahaasi wax laga qabto. 

Fransi Kimemiya ayaa tilmaamay in Qaxootigaasi qaarkood loo baahanyahay in la gaarsiiyo goobaha dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Kenya ee gobolada Jubbooyinka, wuxuuna carabka ku duhftay in Xerada Dhadhaab ay marar badan ka dhaceen falal amaan dari sidaasi darteedna halkaasi ay gaarsiiyeen Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Kenya. 

Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku jira qaxooti farabadan oo Soomaali ah oo ka cararay Abaaraha ku dhuftay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana la’ogayn halka ay ku dambeyn doonto xaaladda Qaxootiga halkasi ku sugan hadii dib loogu celiyo goobihii ay ka barakaceen.

 

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed