Kenya Oo Sheegatay Duqaymo ay u Geysatay Xarumo Al-shabaab Deggentahay
Nairobi:1-Nov-2013 (SDN) –Kenya ayaa sheegatay inay duqayn ka gaystay Raama-Caddeey ee gobolka Baay, halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxda Al-shabaab.
Kenya waxay sheegtay in diyaaradaheedu ay burburiyeen xarun tababar oo ay al-Shabaab ku lahayd meel lagu magacaabo Hurguun oo u dhow deegaanka Raama-Caddeey.
Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu burburiyay afar baabuurta dagaalka ah iyo hub halkaasi yeelay.
Kenya ayaa intaasi ku dartay in goobta duqayntu ka dhacday ay ku sugnaayeen ilaa 300 oo ka tirsan maleeshiyada al Shabaab kuwaasi oo badankooda la aaminsanyahay in ay dhinteen qaar kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Kenya.
Weerarkan ayaa sida ay Kenya Sheegtay waxa uu daba socday weerar todbaadkii hore ka dhacay agaagarka Jilib oo lagu badhtilmaamedsaday sarkaal al Shabaab ah.
Ilo wareedyo ku dhow dhow al Shabaab ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu dhacay balse waxay ku tilmaameen in khasaaruhu sidaas u badnayn.
Weerrada Noocan oo kale ah ayaa Haatan dawladaha ka soo horjeeda Al-shabaab ay u adeegsadaan si ay kooxdan meesha uga saaraan, waxase adag in la ogaado khasaaraha meesha ka dhacay inta uu Le’eg yahay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com