Kenya oo Shabaabka ku eedeysay in ay cunaqabateynayaan shacabka Jubooyinka
Nairobi Feb 22,2012(SDN)-Dawlada Kenya ayaa ku eedeysay kooxda Al Shabaab ee ka arimisa inta badan konfurta Soomaaliya in ay ogaan isaga hortaagtay raashin dadka ku hoos nool maamulkooda.
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeedu intooda badani ay todobaadyadii la soo dhaafay ku hawlanaayeen raashin qeybin halkii ay ka fulin lahaayeen hawgalo ka dhan ah shabaabka.
Dadka ku nool degaanda Shabaabku ka arimiyo ayaa raashinku uga iman jiray Kenya iyo Kismaayo,hadase waxa dhamaan joogsaday isu socodkii.
Xaalada daka degaanada ku nool ayaa ka sii dareysa hadii aan xal loo helin raashin yarida halkaa ka jirta.
Degaanada Konfurta Soomaaliya ayaa iminka uun ka baxay xaalad macluul oo dishay Soomaali kumanaan lagu qiyasay.
SDN-Nairobi