|

Kenya Oo Shaacisay Inay Toddobadka Soo Socda Dib u celinta Doonta Qaxootiga Soomaalida ah ee Dhulkeeda ku Sugan

Dhadhab:May,23,2015(SDN/QJ)-Kenya, ayaa shaacisay inay Toddobaadka soo socda Bilaabi doonto Rarista dadka qaxootiga somaliyeed, kadib markii ay hore  Roobabka gugu u hakiyeen.

lariSida uu sheegay Haron Komen wakiilka arrimaha qaxootiga dad gaadhaya 2050 ayaa dib loogu celiyay dalka Soomaaliya horaantii bishii hore sida ay hore ugu heshiiyeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba hay’ada Qaramada Midoobay  u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Haron Komen oo  la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay doonayaan in tiro badan oo qaxooti ah dib ugu celiyaan deegaanada nabada ah ee dalka Soomaaliya.

Qaxootiga ugu badan ee dib dalka Soomaaliya loogu celinayo ayaa waxa la geynayaa magaalooyinka Baydhabo,Kismayo iyo Luuq.

Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday dhowaan in ay xidhi doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kadib markii kooxda Alshabaab ay weerar ku qaaday jaamacad ku taal magaalada Garisa ayna ku dileen dad ku dhow 150 ruux oo u badnaa arday wax ka baranaysay jaamacada.

Xukuumada Kenya ayaa ku macneysay sababaha ay u xidheyso xeryaha qaxootiga inay tahay arrimo la xidhiidha amniga, waxana dowlada Kenya ay ku tilmaantaiy xeryahaas in ay ku dhuuntaan xubno ka mid ah Alshabaab.

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa bilaabay in ay ka dhaadhiciyaan dowlada Kenya in ay dib uga laabato xidhida xeryaha qaxootiga. Tirada qaxootiga ku nool dalka Kenya ayaa waxa ay gaadhayaan 589,994 iyadoo qaxootigaana ay  423,244 ruux ay yihiin Soomaali.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed