Kenya oo Raacdo ugu Jirta Askar Ciidamaddooda ka Tirsan oo Lagu Waayay Deegaanka Gedo Iyo Alshabaab oo Sheegtay inay Gacanta ku hayaan askar Kenyaan ah
Kismaayo 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Ururka Al-Shabaab ayaa shalay sheegtay in askar Kenyan ah ay ku qabsadeen weerarkii ay toddobadkii tagay ku qaadeen saldhig milatariga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.
Saraakiisha Kenya oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay qaadeen howgal cir iyo dhul ah oo ay ku baadi doonayaan askar ka maqan, inkasta oo aysan sheegin in askartaa ay Al-Shabab qabsadeen iyo in kale.
Wasaarada difaaca Kenya, ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad 80 ka mid ah ciidmada Kenya ay ku waxyeeloobeen dagaalkii Ceelcadde.
Dhinaca kalena, dadka ku nool deegaanada ay duqeynta iyo dagaalka ku dhex marayaan Al-Shabaab iyo ciidmada Kenya, ayaa wajahaya xaald adag, waxaana jirta cabsi xooggan oo ay dadka ka muujinyaan xaalkooda amniga.
Bayaan ay soo saareen Ururka Alshabaab ayaa Waxay ku soo bandhigeen Askar la sheegay inay Kenya ka tirsan yihiin kuwaas oo ay xuseen inay ku soo qabqabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka ceelcadde ee Gobolka Gedo, Askartan ayaa ku hadlaya Luuqada Sawaaxiliga.