|

Kenya oo qabaneysa Shir Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaa Hay’addo Caalami ah

Nairobi May 10 2013 (SDN)— Xukuumadda Nairobi ayaa shaacisay in ay qorsheynayso marti galinta shir la mid ah kii lagu qabtay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ee looga hadlayay dib u dhiska Soomaaliya iyo taageera siinta dowladda Federalka ah.

Shirka Kenya ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa arimaha dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ka soo kabsanaya 22-sano, kadib dagaallo iyo fowdo uu dalka ku soo jiray mudadaasi.

Waxaa sidoo kale ka soo qeybgali doona shirka hay’addo caalami ah oo laga rajeynayo in ay taageero ugu yaboohaan dalka dhibaatooyinka Faqrigu ugu horeeyo duleysteen.

Shirkan ayaa la filayaa in uu ka dhaco dalka Kenya inta u dhaxeysa 28- ilaa iyo 29-ka Bishan May.

Shirkan waxaa lagu marti qaadayaa Ganacsato iyo shirkado waa weyn kuwaasi oo laga doonayo in ay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya oo muddo kabadan 22-sano dagaallo sokeeye iyo colaado ku soo jiray.

SDN-Nairobi 

Comments are closed