|

Kenya oo Mareykanka ka dalbatay Gacan si ay Shabaabka Kismaayo uga Saaraan

Nairobi June 13,2012(SDN)-Dawlada dalka Kinya ayaa waxa ay qorsheyneysaa inĀ  ay weerar jac ku siiso magaalada dekeda ah ee Kismaayo oo ay gacanta in mudo ahba ku hayeen kooxda Al Shabaab.

Dawlada Kenya ayaase sheegtay in ay u baahan tahay in gacan ay ka helaan caalamka si qorshahaasi loo meel mariyo.

Raiisul Wasaaraha dalka Kiinya Raila Odinga ayaa baaq u jeediyay dawlada dalka Mareykanka si ciidamadoodu u galaan Kismaanyo.

“Ujjeedadeenu waa in aanu Kismaayo qabsanaa bisha August ka hor,hadii aan Kismaanyo Shababaka laga saarin lagama guuleysan karo”ayuu yidhi Odinga.

Dawlada dalka Kiinya ayaa hore reer Yurub uga dalbatay in ay gacan ka siiso la dagaalanka Burcad-badeeda Soomaalida.

Iminkana Shabaabka ayay dooneysaa in ay Mareykanka u kaashato si ay Kismaayo gacanta ugu dhigto.

Dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan ka hadal qorshaha Kiinya ee ku wejahan qabsashada Kismaayo.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed