Kenya Oo Malaayiin Lacag Caawimo ah Ka Heli Doonta Deeq-bixiyayaasha
Nairobi:Oct,28,2014(SDN/QJ)-Wadanka Kenya ayaa Dhawaan heli doonaa Lacago tiro badanĀ oo loo qorsheeyey in lagu horumariyo dalalka Bariga Afrika.
Dalka Kenya waxa la sheegayaa in la siin doono lacag dhan Sh712 bilyan oo shilling-ka Kenya ah oo loogu tala galay in lagu horumariyo Arrimaha Bulshada.
Lacagtani ayaa waxa bixinaya Bangiga aduunta ,Bangiga hormarinta Africa iyo iyo midowga Yurub, waana lacagtii ugu badnayd ee caalamku siiyo dalalka Bariga Afrika.
Lacagtani loogu tala galay hormarinta wadamada geeska africa ayaa waxa lagu maal galin doonaa waaxyaha sida dhimida saboolnimada ,kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta .
Wadamada lacagtani dhan 8 bilyan ee shiling ayaa waxa wadamada ka faaidaysanaya oo looga tala galay ka mid ah Kenya, Somalia, Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Uganda, Sudan iyo Koonfurta Sudan.
Lacagtani ay ku deeqeen Bangiga aduunta ,Bangiga hormarinta Africa iyo midowga Yurub ayaa waxyaabaha kale ee lagu maal galin doono waxaa ka mid ah Caafimaadka ,waxbarshada iyo xalinta khilaafaadyada .
SDN/QJ