Kenya Oo Magacowday Soomaaligii Labaad Oo Weerarkii Westgate Ku Lug Lahaa
Nairobi:12-Nov-2013(SDN)-Ciidanka Ammaanka Dowlada Kenya ayaa xaqiijiyay in mid kamid ah dadkii geystay weerarkii ay ku dhinteen 67 ruux ee ka dhacay dhismaha ganacsiga ee Westgate inuu ku noolaa xeryaha qaxootiga Kenya, isla-markaana uu ahaa Somali.
Laamaha amaanka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ruuxaasi uu ahaa mid xidhiidh la lahaa Al-shabaab waxaana xeradaasi uu ku noolaa in badan, kaasi oo markii dambe ku biiray Al-shabaab.
Saraakiisha Ciidamada amaanka Kenya ayaa ruuxaasi magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdinuur, kaasi oo la sheegay inuu yahay ruuxii labaad ee ku lugta lahaa weerarka oo la magacaabo.
Bishii lasoo dhaafay laamaha amaanka ayaa magacaabay Xasan Cabdi Dhuxulow oo 23 sano jir ah kaasi oo la sheegay inuu ahaa ruuxii ugu horeeyay ee ku lugta lahaa weerarkii 21 sep. ka dhacay dhismaha Westage.
Xasan Dhuxulow, ayaa ku noolaa dalka Norwey waxuu ka dambeeyay 1999 markii qoyskisa ay tageen dalkaasi, waxaana dowlada Kenya ay ku eedeysay ka dambeynta weerarkaasi.
Soo ifbixiddan soo kordhaysa ee soomaalida lagu eedaynayo inay weerarkaas ka dambeeyeen, ayaa dhiirrigelinaysa in dawladda Kenya ay waddankeeda ka saarto qaxoontida soomaalida ah ee Muddada dheer Deggenaa, inkastoo ay soomaalidu arrintaas si weyn uga soo horjeeddo.
S.D.N