|

Kenya Oo Lagu Eedeeyey Inay Bixisay Siro Muhiim ah Oo Bixitaanka Iyo Imaatinka Madaxweyne Obama La Xidhiidha

Nairobi:Jully,24,2015(SDN/QJ)-iyadoo lagu wado inuu madaxweyne Obamaha Maraykanku saacadaha soo socdo soo gaadho dalka Kenya, Shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways oo Dawladdu leedahay  lagu eedeyey in ay si sahal ah ku bixisay warar sir ah oo la xidhiidha xilliga diyaarada sidda wafdiga Obama ay imanayso iyo xiliga ay ka duuleyso Nairobi.

sotrShirkadda ayaa e-mail  u dirtay shaqaale badan si ay u wargaliso jadwalka safarka madaxweynaha iyada oo xustay in xiliyadaas laba garoon oo kuwa diyaardaha ah la xidhi doono. Warkan oo shaqaalaha loo diray 13-kii bishan ayaa lagu tibaaxay garoonada Jomo Kenyetta iyo Wilson  la xidhi doono.

Nidaamka Guriga cad ee Maraykanka ayaa ah in ilaa 40 ama 50 daqiiqadood ka hor uun lagu sheego goobta ay diyaarada madaxweynuhu ku soo degeyso ama ka kacayso.

Wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa muwadiniinteeda uga digtay in ay u socdaalaan Kenya inta lagu guda jiro shirka ganacsiga ee caalamka ee halkaas ka dhacaya. Warbxinta wasaarda ayaa lagu sheegay in kooxaha dambiilayaasha ahi badhtilmaameed ka dhigan karaan shakhsiyaadka shirka ka qayb-qaadanaya.

Inkastoo oo aanay xukuumadda Washington wax cabasho ah ka bixin arrintan, haddana waxaa aad u hadal haya warbaahinta kala duwan ee dalka Maraykanka.

Barack Obama ayaa lagu wadaa in uu Toddobaadka soo socda booqasho ku yimaaddo Itoobiya, halka Maanta oo jimce ah uu  Kenya iman doono, waxana uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Labadaas waddan

halkaas oo uu kula kulmi doono masuuliyiinta labadaas waddan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed