KENYA oo La Ogaaday inay Maxaabiistii Shabaab sii Daysay DHaafsatay Shuruudo ay u fulisay Kooxda Haysatay
Nairobi:1-august- 2013(SDN) xogo ka soo baxaya Boggaga ay Internet-ka ku leeyihiin kooxda Al-shabaab, ayaa sheegaya in sii daynta Saraakiil Kenyaan oo gacanta ugu jiray Al Shabaab ay ay ku timid wada hadal dhexmaray dowladda Kenya iyo kooxda Al Shabaab.
Kooxda Al Shabaab ayaa hore shuruud ugu xidhay sii daynta labada Sarkaal Yesse Mulle iyo Fredrick Wainaina taasi oo ahayd in Kenya haddii ay dooneyso nolasha ragani ay sii deyso maxaabiista mulimiinta ee u xidhan.
Qeyb ka mid ah sharuudahaasi oo aan la xusin ayey fulisay Kenya sida laga soo xigtay Shabakadaha Shabaab oo sii xiganaya Saraakiishooda Warfaafinta.
Al Shabaab ayaa sheegtay in wali ay gacanta ugu jiraan qaar ka mid ah maxaabiista Kenya oo meelo kala duwan oo dalka Kenya ah laga soo afduubay.
Al Shabaab ayaa dilay Sarkaal sare Jonathan Kangogo oo lala qabtay raga lasii daayay kadib markii Kenya ay ka dhaga adeygtay inay Shabaab kala xaajooto codsigooda ah in lasii daayo qaar ka mid ah maxaabiista Muslimiinta ee u xidhan si Saraakiishooda loogu wareejiyo.
Dowladda Kenya waxa ay ku gaabsatay in sii dayntaa muwaadiniinteeda ay ku timid wada hadal laakiin ma aanay qeexin in ay u fulisay rabitaankoodii ahaa hadiiba ragan noloshooda la doonayo in lasii daayo maxaabiista Kenya u xidhan.
Yesse Mulle iyo Fredrick ayaa markoodii hore laga soo qafaashay deegaanka Soomaalida ee NFD oo hada ay maamusho Kenya.
Dadka kale ee Al Shabaab gacanta ugu jira waxaa ka mid ah Laba Sarkaal oo Boolis ah kuwaas oo dhawaan ay kusoo qabteen Weerar ay ku qaadeen Deegaanka Dhamajaaleey ee ka tirsan NFD Kenya.
Wali lama oga waxa ay Kenya ka yeeli doonto labadeedan sarkaal ee dhawaan la qabsaday, waxase ay haatan u muuqataa inay Kenya garwaaqsatay awoodda ay Al-shabaab leedahay ee ay wax ku abduubanayso.
Somailidiasporanews.com
Nairobi/Kenya.