|

Kenya Oo Ku Soo Durugtay Xuduudka Somalia iyo Abwaan Sangub Oo Dagaal Ku Tawaawacay+ Faallada Caamir

Muqdisho,14Nov,2015(QJ/SDN)-Todobaadkii la soo dhaafay ayay dadka ku nool degaanno u dhexeeya Somalia iyo Kenya sheegeen in dawladda Kenya baabi’inayso calaamadaha xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya, kadibna gudaha u soo galayso dhulka Somalia.

Dhulka calaamadaha laga burburiyay ayaa ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Beled Xaawo ee Somalia iyo Mandheera ee Kenya. Waxay dadka dhulkaasi aqoonta u lihi ku doodeen in Kenya damacsan tahay inay xadkeeda dhuleed ku simayso xuduudkeeda badeed ay Somalia ku muransan yihiin,si ay ugu guulaysato damaceeda badda. Somalia iyo Kenya waxay ku muransan yihiin badda, waxaase hadda ku soo biiray bariga iyo darbi Kenya iskaga dayrayso Somalia.

Kulan ay golaha wasiirada Soomaaliya shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya aan lagala tashan dhismaha darbiga Kenya xuduudka ka waddo, uuna yahay mid ku kooban Kenya. Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadday inay dowladda Kenya kala hadashay arrimahan intii lagu guda jiray socdaal dhowaan ra’iisul wasaraaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Kenya. Waxay sheegtay inay jawaab ka sugayso Kenya.

Comments are closed