Kenya Oo Ku Hawllan Awaamiir Ka Dhan Danaha Soomaalida Oo Albaabada Loogu Laabayo Masaajiddo Iyo Maddarasado Qur’aanka Lagu Barto
Nairobi:Jully,21,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Kenya, ayaa la sheegayaa inay ku hawllan tahay qorsheyaal ka dhan ah diinta islaamka oo al-baabada loogu laabayo Masaajiddo iyo maddarasado qur’aanka lagu barto oo ku yaalla Goobaha Soomaalidu degto, iiyadoo lagu eedaynayo in fikirka Al-shabaab lagu faafiyo.
Masaajida iyo Dugsiyada la amray in la xidho, ayaa waxaa inta badan wax ku barta dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo ay Kenya ku tuhmeyso kamid ahaanshiyaha Al-shabaab.
Xubin ka tirsan Wasaarada Amniga Kenya, ayaa caddeysay in Dowlada Kenya ay soo afmeertay baadhitaanno ay ku heysay goobaha lagu barto Diinta Islaamka, waxa ayna xubintaasi sheegtay in Wasaaradu ay dooneyso inay albaabada u laabto dhowr Masaajid iyo Dugsiyo Qur’aan.
Nuqul kamid ah haddalka xubintaasi ayaa waxa uu u dhacay ‘’Kenya iyo Alshabaab ma wada noolaan doonaan waxa ay quwadu ku hadheysaa hal dhinac, go’aankeenu waa inaan xidhno Xarumaha carruurta lagu baro qur’aanka, Masaajida noo diiwaangishan iyo goobo kale oo aan weli ku heyno baadhitaano’’.
Hanjabaadani ayaa timid kadib markii Dowlada Kenya ay walaac ka muujisay weerarada is xigxiga oo ay Maleeshiyadu ka geysaneyso gudaha iyo daafaha dalka Kenya.
Inta badan Deegaanada ku yaalla xuduuda Kenya iyo Deegaano dhowr ah ayaa waxaa buux dhaafiyay Maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan Al-shabaab, waxana taasi ay shaki badan gelisay xukuumadda Kenya oo noqotay mid u nuqul weerarrada Kooxda Al-shabaab Dalkeeda ka fuliso.
SDN/QJ
Contact@somalidiasiasporanews.com