Kenya Oo Ku Dhawaaqday Inay Qoraynayso 10,000-Askari iyo Shaqada ay Qaban doonaan
Nairobi:July,02,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Kenya ayaa caddaysay inay dhawaan qorayso tiro ciidamo cusub oo Boolis ah, si kor koogu qaado tirade Bilayska Dalka, isla-markaana looga hortago weerrarada gudaha dalka ka dhacaya.
Tirada ciidamada ay dowladdu qorayso Miisaaniyad-sanadeedkan ayaa waxa ay dhantahay 10 kun oo askari, kuwaas oo dheeri ku ah kuwii hore ee dalku lahaa.
6 kun oo askari ayaa waxa ay ku biiri doonaan Booliiska caadiga ah halka inta hadhayna ay ku biiri doonaan ciidamada maamulka Booliiska ee AP loo yaqaano .
Darajada dhanka shahaadada dugsiga sare laga doonayo qofka ku biiraya Booliiska ayaa imaka hoos loo soo dhigay taasi oo imika ah D+ halkii ay hore ka ahaan jirtay C Plain .
Qorida ciidamadani Booliiska ayaa waxa ay hal mar ka bilaaban doontaa 14 bishan july 200 oo dagmo oo dalka ka tirsan .
Inkastoo ay dawladdu ku dhawaaqday inay kor u qaadayso tirade ciidamada Booliska, Haddana Khubarada dhinaca Ammaanka, ayaa sheegaya inaanay wax badan soo kordhin doonin ciidamo la badiyaa haddii aan kor loo qaadin daryeelkooda.
Qorida 10 kun ee Boliiska dheeraadka ah ayaa waxa tirada Booliiska guud ahaan dalka ay ka dhigaysaa 100 kun oo askari, maadaama ay ciidamada Booliska Kenya ahayeen haddaka hor 90000-kun oo askari.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com