|

Kenya Oo Kasoo Horjeesatay Qorshaha Shaqaalaha Mandhera ku Dalbadeen Daad-guraynta

Nairobi:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda dhexe ee dalka kenya, ayaa si weyn uga soo horjeesatay dalabka shaqaalaha dawadda ee Deegaanka Mandhera ku dalbanayaan ina halkaas laga daad gureeyo, sababo la xidhiidha dhinaca ammaankooda.

asoMaalmihii lasoo dhaafay ayaa xerada ciidamada Milatariga ee magaalada Mandheera waxaa soo buux dhaafiyay dad doonaya in halkaas lagoo qaado maadaama sida ay sheegeen uu halis ku jiro amaankoodu.

Taas badalkeeda, dowlada ayaa dooneysa in dadkan ay ku laabtaan shaqooyinkooda, isla markaana ay xaqiijiso amaankooda.

Hase ahaatee dadkan oo gaadhaya boqolaal ruux ayaa diiday in ay ka baxaan xerada Milatariga, iyagoo ku andocooday in ay noloshooda u cabsanayaan, meel kalena aanay isku aamini karin.

Arintaan ayaa cirka ku sii shareertay xiisadaha ka taagan aagaasi, wixii ka dambeeyay subaxnimadii sabtida ee dadka faraha badan lagu laayay.

Wafdi ka socda dowlada oo uu hor kacayo madaxa ilaalada madaxtooyada iyo shaqaalaha dowlada Joseph Kinyua ayaa hada ku sugan magaalada Mandheera, waxana ay dersayaan sheegashada dadkaasi iyo waliba xaaladda ammaan ee Deegaanka dadkaasi ku Nool yihiin.

Tan iyo Intii Ciidamada Kenya Gudaha u galeen Somalia, waxa dhibaato weyni haysatay shacabka Reer Kenya, waxana boqolaal kamid ah laayey Kooxaha Al-shabaab, kuwaas oo kaga jawaabaya tallaabada Kenya ku farogelisay Dhulka Somalia.

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed